Jabuuti (Dawan) – Hal qof ayaa ku geeriyooday dhowr kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay deegaanka Iskoutir ee waddada isku xirta magaalada Jabuuti iyo gobolka Cali-Sabiix, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Sida laga soo xigtay xogta hordhaca ah, gaariga oo ka baxay magaalada Jabuuti kuna sii jeeday gobolka Cali-Sabiix ayaa ka baxay waddada sababo aan weli la shaacin.
Gaariga waxaa saarnaa 11 qof oo ay ku jireen shan qof oo waaweyn iyo lix carruur ah.
Wakaaladda ayaa sheegtay in cunug yar uu ku geeriyooday goobta shilka, halka qof weyn uu soo gaaray dhaawac culus. Rakaab kale ayaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray shilka.


