Garoowe, 30 Diseembar 2025 (Dawan)- Booliiska Dowlad-goboleedka Puntland ayaa soo saaray tirokoob muujinaya shilalka waddooyinka ee ka dhacay deegaannada Puntland sanadkan sii dhamaaanaya ee 2025, kuwaas oo iftiiminaya caqabadaha halista ah ee weli ka taagan waddooyinka, inkasta oo la sheegay in tirada dhimashadu hoos uga dhacday sannadihii hore.
Taliyaha Laanta Nabadgelyada Waddooyinka Puntland, Gaashaanle Sare Cabdifataax Siciid, ayaa sheegay in sanadkan la diiwaangeliyay 11,055 shilal gaadiid oo ka kala dhacay gobollada Puntland.
Sida ku cad xogta la soo bandhigay, 53 qof ayaa ku dhintay shilalkaas, 513 qof oo waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud, halka 86 qof ay la kulmeen dhaawacyo culus.






