Muqdisho (Dawan) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa dib loo dhigay oo waxaa lagu qorsheeyey inuu qabsoomo 15-ka Luuliyo 2025, sababo la xiriira diyaar garowga xuska toddobaadka Xorriyadda iyo ahmiyadda uu leeyahay.
Go'aankan ayaa si rasmi ah loogu shaaciyey qoraal kasoo baxay Warbahauinta dowladda ee 20-ka Juun 2025.
Qoraalka ayaa u qornaa sidan: "Iyadoo laga duulayo waynaynta iyo u diyaar garawga xuska toddobaadka Xorriyadda iyo ahmiyadda ay leedahay, waxaa dib loo dhigay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaana uu shirku qabsoomi doonaa 15-ka Luuliyo 2025-ka, insha allaah."