Jigjiga (Dawan)– Shirweynaha Dhallinyarada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa Talaadadii ka furmay magaalada Jigjiga, iyadoo halku-dhig looga dhigay “Awood-siinta Dhalinyarada ee Xilliga Casriga ah”. Shirkan, oo ah kii labaad ee noociisa ah, waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Xafiiska Dhallinyarada DDS iyo Hiraad Institute.
Shirweynaha ayaa waxaa ka soo qayb-galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowlad-deegaanka, aqoonyahanno, ururrada bulshada rayidka ah, iyo dhallinyaro ka kala timid deegaanno kala duwan. Waxaa ka mid ahaa martida Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Ibraahim Cusmaan Faarax, iyo mas’uuliyiin kale oo heer federaal iyo heer gobol ah.
Khudbad uu ka jeediyay furitaanka shirweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee dhallinyaradu ku leeyihiin horumarka bulsho iyo mid dhaqaale, isaga oo xusay in dhallinyarada lagu dhiirrigeliyo ka-qaybgalka arrimaha bulshada, ka faa’iidaysiga tignoolajiyadda casriga ah, iyo horumarinta waxbarashada.
“Dhallinyaradu waa laf-dhabarta jiritaanka bulshada. Mudnaanta koowaadna waxaan siinay waxbarashada, waayo horumarka maanta iyo kan berriba wuxuu ku xiran yahay aqoonta iyo wacyiga dhallinyarada,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenku.






