Seylac, 10 Oktoobar 2025 (Dawan) — Ciidamadda ilaalada xeebaha Somaliland ayaa soo qabtay 21 doomood oo ay saarnaayeen 101 qof oo Yemen u badnaa oo kaluumeysi sharci darra ah ka waday xeybaha gobolada Awdal iyo Salal ka dib howlgal ay fuliyeen sida uu sheegay Gaashaanle Sare Cumar Caadil Qalinle, Taliyaha Ciidamada Ilaalada iyo Difaaca Xeebaha ee saldhigga 2aad.
Gaashaanle Sare Cumar, oo howlgalka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgalkan oo ka dhacay deegaanada gobolka Awdal, uu qayb ka yahay dadaallada Somaliland ay kula dagaallamayso kalluumaysiga sharci-darrada iyo dambiyada abaabulan ee ka dhaca badda, sida burcad badeedda.
Doomaha la qabtay ayaa waxaa iska lahaa Soomaali iyo Yemen iyada oo Ragga la socdday ee iyagana la qabtay ay ka soo kala jeedaan Soomaaliya iyo Yemen, ajaanibta ayaa ka badan Soomaalida sida ka muuqata muuqaalada la baahiyay.
Ciidanka Ilaalada Xeebaha ayaa ugu baaqay kalluumaysatada iyo ganacsatada inay u hoggaansamaan shuruucda kalluumaysiga sharciga ah, kana fogaadaan kalluumaysiga sharci-darrada ah oo ay ku xadayaan khayraadka badda. Waxa ay ku goodiyeen hadii ay ka waantoobi waayaan falkaan in ay doonyaha kala wareegi doonaan.
“Waxaanu fareynaa dadka badaha ugu kaluumeysta sida sharci daradda ah in ay ka waantoobaan xadista Kaluunka, hadii ay ka waantoobi waayaanna waxaanu gaareynaa heer aan doonyahooda kala wareegno”
Somaliland ayaa muujiyay in howlgalkaani uu noqon doono tallaabo joogta ah oo lagu xoojinayo maamulidda biyaha Somaliland. Ciidanka Ilaalada Xeebaha ay sii wadi doonaan ka hortaga kalluumaysiga sharci-darrada ah iyo dambiyada kale ee ka dhaca biyaha Somaliland.



