Nouakchott (Dawan)- Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania, taas oo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kobcinta iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee ku wada jira Ururada Africa , Carabta iyo Islaamka.
Wafdiga Wasiir-Dowlaha ayaa markii uu gaaray Garoonka Caalamiga ah ee Nouakchott waxaa soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Afrika iyo Muwaadiniinta Mauritania ee Dibadda, Mudane Maxamed Saalim Ould Merzoug, iyo Danjiraha aan deggenayn ee Soomaaliya u qaabilsan Mauritania, Danjire Yuusuf Jeego.