Mogadishu (Dawan) — Soomaaliya iyo Qadar ayaa wada hadallo ka yeeshay xoojinta iskaashiga dhinaca xuquuqda aadanaha. Dr. Maryam Qaasim, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, ayaa la kulantay Dr. Cabdullaahi bin Saalim Al-Nuami, Safiirka Qadar u fadhiya Soomaaliya, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee ku aaddan ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya iyo dhiggiisa Qadar, gaar ahaan is-dhaafsiga khibradaha farsamo, dhisidda awoodaha hay’adaha, iyo horumarinta nidaamyada kormeerka iyo warbixinta xuquuqda aadanaha.


