Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay dhisto 12,000 guri oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah, sida uu sheegay Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil Yuusuf.
Sida uu sheegay wasiirku oo shir jaraa’id qabtay, mashruucan guriyeynta ah ayaa loogu talagalay dadka nugul, oo ay ku jiraan dadka laga raray dhulalka dowladda, barakacayaasha, qoysaska dakhligoodu hooseeyo iyo dadka ay saameeyeen abaarta iyo colaadaha.
Wasaaraddu ayaa sheegtay in wejiga koowaad ee mashruuca lagu dhisi doono 6,000 guri, iyadoo la qorsheynayo in laga dhiso deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho.
“Maanta waa maalin weyn, waa shaqo aan soo wadnay shantii bilood ee ugu dambaysay, oo ahayd qorshe ballaaran oo dib-u-dejin loogu sameynayo in ka badan 12,000 oo qoys oo Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo la hadlay Dawan.
Wasaaraddu ayaa sidoo kale sheegtay in wejiga koowaad ee mashruuca lagu dhisi doono 6,000 guri, iyadoo laga fulin doono deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho.
“Sidaad ka warqabto, dad badan oo 30-kii sano ee u dambeeyay dalka uu burbursanaa ayaa deganaa goobo aan ku habboonayn, ama goobo ay dowladda u baahneyd inay adeegyo ka hirgeliso,” ayuu yiri wasiirku.


