Muqdisho, 10 December, 2025 (Dawan)- Soomaaliya ayaa Talaadadii, 9 December 2025, dib usoo celisay 148 muwaadiniin ah kuwaas oo xaalado kala duwan darteed ugu noola dalka Yemen, iyadoo tallaabadan ay ka mid tahay dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku xaqiijinayso badbaadada iyo daryeelka muwaadiniinteeda ku sugan qurbaha, gaar ahaan dalalka ay colaaduhu saameeyeen.
Howlgalkan dib-u-soo-celinta ayaa waxaa abaabulay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyadoo lala kaashaday hay’ado caalami ah, si looga jawaabo xaaladaha degdegga ah ee bini aadantinimo.
Dowladdu waxay dhowr jeer horay uga soo celisay dalka Yemen muwaadiniin Soomaaliyeed, inkasta oo ay wali jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed oo u tahriibay Yemen bilihi lasoo dhaafay, si ay uga sii gudbaan waddamada Khaliijka, taasoo cadeynaysa baahida loo qabo in dadaallada dib-u-soo-celinta iyo wacyigelinta lasii kordhiyo.








