Muqdisho (Dawan) – Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga codsatay shirkadda Meta Platforms inay hakiso hirgelinta adeegga cusub ee WhatsApp Usernames ee gudaha Soomaaliya ilaa laga soo gabagabeynayo wada-tashiyo iyo dib-u-eegis dhinaca sharciyeynta ah.
Hay'addu waxay sheegtay in codsigan uu daba socdo walaacyo la xiriira amniga internetka, ilaalinta macaamiisha iyo amniga qaranka, iyadoo xustay in dalal ay ka mid tahay Hindiya ay hore u dalbadeen in adeegga dib loo eego ka hor inta aan si rasmi ah loo hirgelin.
Warqad rasmi ah oo loo diray Madaxa Waafaqsanaanta (Chief Compliance Officer) ee Meta, ayay Hay'addu ku codsatay in adeegga WhatsApp Usernames aan laga hawlgelin Soomaaliya ilaa laga soo gabagabeynayo wada-tashiyada u dhexeeya labada dhinac, isla markaana la hirgeliyo dammaanado iyo tallaabooyin amni oo ku filan.
Hay'addu waxay sheegtay inay aqoonsan tahay faa'iidooyinka adeeggan dhinaca asturnaanta, maadaama uu u oggolaanayo dadka inay wada xiriiraan iyagoo aan shaacin lambarradooda taleefannada. Hase yeeshee, waxay tilmaantay in adeeggu uu dhalin karo caqabado la xiriira sharciyeynta, amniga internetka, ilaalinta macaamiisha iyo amniga qaranka.
NCA waxay xustay in adeegyada isgaarsiinta mobilada iyo lacagaha moobilka ay laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha iyo adeegyada maalinlaha ah ee Soomaaliya, halka WhatsApp si ballaaran loogu adeegsado shacabka, ganacsiyada, hay'adaha maaliyadda, ururrada samafalka, hay'adaha dowladda iyo saaxiibbada caalamiga ah. Sidaas darteed, isbeddel kasta oo ku yimaadda habka aqoonsiga isticmaalayaasha iyo qaabka isgaarsiinta wuxuu yeelan karaa saameyn ballaaran.
Hay'addu waxay sheegtay in walaacyada ugu waaweyn ay ka mid yihiin suurtagalnimada in la kordhiyo isu-ekeysiinta hay'adaha dowladda iyo masuuliyiinta sare, khiyaanooyinka lagu beegsan karo nidaamka lacagaha moobilka, ka faa'iidaysiga adeegga ee kooxaha argagixisada iyo shabakadaha dambiyada internetka, iyo saamaynta uu ku yeelan karo baaritaannada dambiyada internetka iyo fulinta sharciga.