Soomaaliya, 20 Febraayo 2026(Dawan)– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Khamiistii inay si rasmi ah u bilowday bixinta baasaboorka casriga ah ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada dalka ee ku aaddan dhexgalka gobolka iyo dib u soo celinta aqoonsiga caalamiga ah ee muwaadinka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dukumintigan cusub uu albaabo cusub u furi doono ardayda, ganacsatada, iyo qoysaska ku nool dalalka gobolka. “Maanta dadkeenna ma haystaan oo keliya baasaboor, balse waxay haystaan dukumenti furaya fursado badan, abuura xiriirro, isla markaana dunida tusaya in Soomaaliya ay dib u soo kabanayso,” ayuu yiri Xamse, isaga oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in baasaboorkani uu fududeynayo isu-socodka dadka, isla markaana uu abuuri doono fursado dhaqaale oo ay wadaagaan siddeedda dal ee ku bahoobay ururka.
Baasaboorka cusub waa nooca casriga ah ee elektaroonigga ah (e-passport), waxaana uu leeyahay dabool midabkiisu yahay buluug khafiif ah oo astaan u ah biyaha ay wadaagaan dalalka Bariga Afrika. Dusha sare waxaa ku qoran magaca “East African Community” iyo astaanta qaranka. Sida uu dhigayo nidaamka gobolka
Soomaaliya waxay bixin doontaa saddex nooc oo baasaboorka ah: kan buluugga ah (Ordinary) oo loogu talagalay muwaadiniinta, kan cagaaran (Service) oo loogu talagalay shaqaalaha dowladda, iyo kan casaanka ah (Diplomatic) oo loogu talagalay diblomaasiyiinta.







