Cammaan (Dawan) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta oo Arbaco ah ka qayb galay shir heer wasiir ah oo ay yeesheen wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Islaamka oo looga hadlayay arrimaha Quddus, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda, shirka oo ka dhacay magaalada Cammaan ee dalka Urdun ayaa isugu keenay wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Islaamka si ay uga wada hadlaan xaaladda Quddus iyo dhulka Falastiin, isla markaana ay uga yeeshaan mowqif mideysan.
Wasaaraddu waxay sheegtay in wasiirku intii uu shirku socday wada-hadallo laba geesood ah la yeeshay qaar ka mid ah dhiggiisa, kuwaas oo lagaga hadlay xoojinta iskaashiga iyo arrimo ay labada dhinac danaynayaan.