Geneva (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in Soomaaliya markii ugu horreysay laga furo Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka QM (OHCHR), kadib markii heshiis rasmi ah lagu saxiixay Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka, sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.
Heshiiskan ayaa lagu saxiixay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxaana qalinka ku duugay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyo Volker Türk, Madaxa Xafiiska Sare ee QM ee Xuquuqul Insaanka. Heshiiska ayaa qayb ka ah hirgelinta Qaraarka Golaha Xuquuqul Insaanka QM ee lambarkiisu yahay A/HRC/RES/60/28, kaas oo tilmaamaya iskaashiga iyo taageerada farsamo ee Soomaaliya u baahan tahay si loo horumariyo xuquuqda aadanaha, loona maareeyo waajibaadkeeda gudaha iyo caalamiga ah.
Wasiir Khadiija ayaa sheegtay in heshiiskani uu yahay guul muhiim ah oo ka tarjumaysa dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo xuquuqda aadanaha, iyadoo la filayo in Muqdisho laga furo Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka QM, taas oo loo arko tallaabo taariikhi ah.


