Muqdisho (Dawan) - Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in dalka si rasmi ah looga saaray liiska Qaramada Midoobay ee dalalka carruurta u isticmaala ciidanka. Wasaaradda ayaa sheegtay in tani ay ku timid dadaallada muhiimka ah ee dowladda ka sameysay ka hortagga askareynta carruurta, gaar ahaan gudaha ciidamada Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay ugu dabaaldegayso guushan oo lagu faafiyay ayaa lagu sheegay in warbixinta sanadlaha ee Qaramada Midoobay ee 17–18kii Juun lagu xaqiijiyay in Soomaaliya ay gaartay horumar ballaaran oo ku aaddan ka saarista carruurta ciidanka.