Soomaaliya, 4 November 2025 — Soomaaliya ayaa Muqdisho ka furtay Madasha Qaranka ee Hab-Maamulka Internet-ka (National Internet Governance Forum) ee sanadkan, taas oo la sheegay inay diiradda saarayso sidii loo heli lahaa jawi dijitaal ah oo ammaan ah, dheellitiran, oo loo dhan yahay.
Madashan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) hoostagta Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada, ayaa sanadkan xoogga saaraysa aqoonsiga dhijitaalka ah, hal-abuurka af-Soomaaliga ee dhijitaalka, amniga internet-ka, iyo doorka garaadka macmalka (AI).
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo daahfuray madasha, ayaa sheegay in Soomaaliya u baahan tahay in ay ka faa’iidaysato fursadaha internet-ka, isla markaana ka taxadarto khataraha ka dhasha.
“Waan u baahanahay internetka, waa dawo, waana sun, suntana inaan iska ilaalino, dawadana aan isticmaalo ayaan ku talinayaa.,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Dowladdu waxay madasha ku soo bandhigtay dadaallada sharci-dejineed ee socda si loo xakameeyo anshax-xumada internet-ka, difaaca xogta gaarka ah, iyo la dagaallanka dambiyada internet-ka.
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa sheegay in sharciyo qaarkoodna ay dhaqan galeen halka qaarna ay hadda baarlamanka horyaallaan si loo ansixiyo.








