Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa markale xaqiijisay taageeradeeda mabda’a Hal Shiinaha kadib kulan uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kula yeeshay Villa Soomaaliya Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu.
Sida lagu sheegay qoraal ay Madaxtooyada Soomaaliya ku baahisay barta X Arbacadii, labada dhinac ayaa ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga horumarinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha.
Madaxtooyadu waxay sheegtay in Soomaaliya ay kulanka ku xaqiijisay taageeradeeda mabda’a Hal Shiinaha, iyadoo aqoonsan Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha inay tahay dowladda keliya ee sharci ahaan matasha Shiinaha, isla markaana ay kasoo horjeeddo nooc kasta oo madax-bannaani ah oo Taiwan sheegato.
“Mowqifka Soomaaliya wuxuu waafaqsan yahay mabda’a Hal Shiinaha,” ayaa lagu yiri bayaanka Madaxtooyada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhismaha hay’adaha dowladda, horumarinta iyo taageerada ay Beijing u muujiso madax-bannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka Madaxtooyada.
Shiinaha ayaa kamid ah saaxiibbada ugu waaweyn ee Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, isagoo sanadihii la soo dhaafay taageeray mashaariic la xiriira waddooyinka, xarumaha dowladda, caafimaadka iyo waxbarashada.


