Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u soo celisay 155 qaxooti Soomaaliyeed oo ku noolaa Yemen, iyada oo loo marayo barnaamij dib u soo celin mutadawacnimo ah oo ay iska kaashadeen Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) iyo dowladda Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Dadkaan ayaa soo gaaray Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho Arbacada maanta ah, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Agaasimaha Waaxda Qurba-joogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, mas'uuliyiin ka socday Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) iyo UNHCR, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda.
Wasaaraddu waxay sheegtay in dadka dib loo soo celiyay ay sannado ku noolaayeen Yemen, gaar ahaan xerada qaxootiga ee Basateen, isla markaana ay si iskood ah u codsadeen in dib loogu soo celiyo Soomaaliya iyagoo adeegsanaya Safaaradda Soomaaliya ee Yemen.
"Dib u soo celintani waxay muujineysaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go'an tahay ilaalinta muwaadiniinteeda dibadda ku sugan iyo inay taageerto dib ugu soo laabashadooda si nabdoon oo sharaf leh," ayay wasaaraddu ku tiri war-saxaafadeedkeeda.
Wasaaraddu waxay sheegtay in hawlgalka dib u soo celinta lagu fuliyay iskaashi ay la sameysay Safaaradda Soomaaliya ee Yemen iyo hay'adaha caalamiga ah, gaar ahaan UNHCR, iyadoo la raacayo heerarka bani'aadannimo.