Kigali (Dawan0- Shirkadda Tabaarak ICT Solutions ayaa ku guuleysatay abaalmarinta Adeegga Sanadka (Service of the Year) ee tartanka Abaalmarinta Tayada Gobolka ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) 2026, kaas oo lagu qabtay magaalada Kigali ee dalka Rwanda. Tabaarak ICT Solutions, oo Soomaaliya ku matalaysay tartanka, ayaa abaalmarinta kaga guuleysatay shirkado kale oo ka kala socday dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika.
Shirkaddu waxay horay ugu guuleysatay Abaalmarinta Tayada Qaranka 2026, taas oo u suurtagelisay inay Soomaaliya ku matasho tartanka lagu qabtay Kigali. Abaalmarinta qaranka ayaa lagu guddoonsiiyay munaasabad loogu magac daray “Habeenka Tayada”, oo ay 8-dii Oktoobar soo qabanqaabisay Hay’adda Heerarka Soomaaliyeed. Munaasabaddaas waxaa lagu maamuusay hay’ado dowladeed iyo shirkado gaar loo leeyahay oo sannadkan muujiyay heerar tayo oo sarreeya.
Abaalmarinta Tayada Gobolka ee EAC waxaa loogu talagalay dhiirrigelinta dhaqanka tayada ee gobolka iyo ku dhiirrigelinta shirkadaha inay qaataan heerarka iyo habraacyada maamulka tayada. Shirkadaha ka qaybgalaya waxaa lagu qiimeeyaa mabaadi’da maamulka tayada ee halbeegga caalamiga ah ee ISO 9001, kuwaas oo ay ka mid yihiin diiradda macaamiisha, hoggaaminta, ka qaybgelinta shaqaalaha iyo horumarinta joogtada ah.
Shirkadda Tabaarak ICT Solutions ayaa sheegtay in guushani ay ka tarjumayso dadaallada joogtada ah ee ay ku bixiso tayada, hal-abuurka, hufnaanta iyo horumarinta adeegyada tiknoolajiyadda. Waxay sidoo kale xustay in guushu ay muujinayso awoodda shirkadaha Soomaaliyeed u leeyihiin inay kula tartamaan shirkadaha gobolka.