Muqdisho – Taariikhda: 30 Diseembar 2024 – Golaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyey Miisaaniyadda Gobolka Banaadir ee sanadka 2025. Miisaaniyaddan oo hal-ku-dhegga sanadkan uu yahay "Magaalo Cagaaran, Nabad ah iyo Adeegyo Dowladeed oo Tayo Sare Leh" ayaa lagu wadaa inay xoojin doonto horumarka bulshada iyo adeegyada guud ee gobolka.
Wadarta miisaaniyadda 2025 ayaa gaartay $101,274,078.22, taas oo muujineysa koror dhan 38% marka loo eego sanadkii hore. Miisaaniyaddan ayaa si weyn diiradda u saareysa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo xoojinta maamul wanaagga iyo amniga.






