Muqdisho (Dawan ) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, ayaa sheegay inay rajeynayaan in miisaaniyadda la qoondeeyay wasaaradda la kordhiyo sanadaha soo socda, kaddib guulo uu ku tilmaamay in laga gaaray diblomaasiyadda iyo difaaca danaha qaranka muddadii u dambeysay.
Hadalkan ayuu Wasiirku sheegay wareysi gaar ah oo siiyay barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media. Wasiirku wuxuu xusay in shaqada wasaaradda, oo ay wadaan hoggaanka, shaqaalaha gudaha, iyo diblomaasiyiinta dibadda jooga, aysan ku saleysneyn dhaqaale, balse ay tahay mid lagu difaacayo qarannimada iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.
Wasiir Dhaay ayaa tilmaamay in wasaaraddu ku qanacsan tahay heerka miisaaniyadda saddexdii sano ee la soo dhaafay, inkasta oo dalka uu ku jiro duruufo adag oo dhinaca amniga iyo soo kabashada ah. Wuxuu sheegay in mudnaanta dowladda ay tahay amniga iyo horumarka guud ee dalka, taasoo saameyn ku yeelatay qoondaynta kheyraadka.





