Soomaaliya, 19 Sebteembar 2025 – Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar, ayaa sheegay inuu kulan la yeeshay Senator-ka Mareykanka Ted Cruz, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka ee la dagaallanka Kooxaxaha Alshabaab iyo Daacish iyo xasillinta Geeska Afrika.
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa X, Cali Cumar Cali ayaa ku nuux-nuuxsaday “doorka muhiimka ah” ee Soomaaliya ka ciyaarto la dagaallanka kooxaha sida Al-Shabaab iyo Daacish, isaga oo carrabka ku adkeeyay in taageerada Mareykanka ay lama huraan u tahay xasiloonida gobolka iyo ilaalinta marin-biyoodka ganacsiga ee muhiimka ah.
“Waxaan uga mahadcelinayaa Senator Ted Cruz kulanka aan kaga wada hadalnay doorka muhiimka ah ee Soomaaliya ku leedahay la dagaallanka argagixisada iyo sugidda Geeska Afrika. Taageerada Mareykanka waa lama huraan si loo jebiyo Al-Shabaab & ISIS, loona hubiyo in marin-biyoodka ganacsigu ahaado mid ammaan ah,” ayuu yiri Cali Cumar.
Mareykanka ayaa weli ka mid ah saaxiibada ugu weyn ee Soomaaliya dhinaca amniga, isaga oo bixiya tababarro, taageero sirdoon, iyo duqeymo bartilmaameed ah oo ka dhan ah kooxaha hubeysan.
Dhanka kale, Senator Ted Cruz ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay kordhiyay ololihiisa ku aaddan aqoonsiga Somaliland.