Soomaaliya, 18 Feebaraayo 2026 (Dawan)— Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Firdhiye, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay wejigii koowaad ee barnaamijka muhiimka ah ee gargaarka bini’aadantinimo iyo biyo dhaaminta, kaas oo loogu talagalay in lagu taageero xoolo-dhaqatada iyo bulshada miyiga ah ee wajahaysa saameynta sii xumaanaysa ee abaarta iyo isbedelka cimilada
Munaasabadda furitaanka ayaa ka dhacday xarunta maamulka, waxaana ka qaybgalay wasiirro, xildhibaano, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka, kuwaas oo si wadajir ah u daah-furay qorshaha gargaarka degdegga ah.
Barnaamijkan ayaa hiigssnaya dhul ballaaran oo ka bilaabma Buuhoodle, kuna fidaya Ceelanyo, isagoo la filayo inuu gaaro kumanaan qoys oo abaartu saameysay.





