Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka, kaas oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda abaaraha dalka iyo diyaar-garowga fatahaadaha laga cabsi qabo xilliga roobabka Dayrta, sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Kulanka ayaa lagu eegay qorshayaasha looga hortagayo saameynta masiibooyinka dabiiciga ah, gaar ahaan fatahaadaha ku dhici kara deegaannada ku teedsan wabiyada iyo dhulka biyo-mareennada ah, iyo sidii loo xoojin lahaa gurmadka degdegga ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa guddiga ku booriyay inay xoojiyaan wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dadka ku nool goobaha halista ugu jira fatahaadaha, isla markaana la diyaariyo qorsheyaal wax looga qabanayo xaaladaha degdegga ah.