Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa difaacay doorashadii ka dhacday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in hoggaanka maamulkaasi uu ku yimid rabitaanka shacabka, isla markaana loo maray hannaan sharci ah oo ay qayb ka ahaayeen golayaasha matala bulshada deegaanka.
Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabad lagu sagootinayay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, ahna Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa sheegay in qof aan shacabka dooran uusan xukumi karin bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu yiri: “Horay ayaan u sheegnay, waana ku celinayaa; dadka Soomaaliyeed qof aysan dooran ma xukumayo.”
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Sheekh Aadan Madoobe ay doorteen Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, halka Golaha Wakiilladuna ay matalaan shacabka deegaanka, isagoo xusay in codkii shacabka ee loo dhiibtay wakiilladaas uu saldhig u noqday doorashada hoggaanka maamulka.
Hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqday mid uu ku difaacayay doorashadii Koonfur Galbeed ee uu ku soo baxay Sheekh Aadan Madoobe, taas oo mucaaradku horay u dhaliileen, iyagoo ku dooday in aysan ahayn doorasho hufan, isla markaana natiijadeeda horay loo sii ogaa.