Baydhabo (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub oo lagu hirgelinayo dib-u-habeyn siyaasadeed oo rasmi ah, taas oo uu ku tilmaamay tii ugu horreysay ee dalka laga sameeyo tan iyo markii la aasaasay dowladnimada dalka.
Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay dhismaha nidaam siyaasadeed oo xoogan, kaas oo saldhig u noqonaya dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka.
"66-daan sano ee aan dowladnimada lahayn iyo duruufaha kala duwan ee aan soo marnay, ee Jamhuuriyadda Saddexaad aan maanta wadno, waa markii ugu horreysay ee dalka Soomaaliya dib-u-habeyn siyaasadeed oo rasmi ah laga sameeyo," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sheegay in inkastoo dib-u-habeyn lagu sameeyay hay’adaha dowladda iyo dhinacyada dhaqaalaha, haddana aan hore wax dib-u-habeyn ah loogu sameyn hannaanka siyaasadda dalka.