Addis Ababa, 24 Diseembar 2025 — Magaalada Addis Ababa ee casimadda Itoobiya ayaa ku hawlan dadaallo ay ku xoojinayso waaxda dalxiiska, iyadoo mudnaan gaar ah siinaysa dalxiiska caafimaadka si uu u noqdo tiir muhiim ah oo kobciya dhaqaalaha, taas oo qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu tayeynayo laguna ballaarinayo adeegyada daryeelka caafimaadka.
Isagoo la hadlayay warbaahinta maxalliga ah, Guddoomiyaha Dalxiiska Addis Ababa, Honde Kebede, ayaa sheegay in dalxiisku uusan ku koobnayn oo kaliya safarrada iyo booqashada goobaha qurxoon , balse uu yahay fikrad ballaaran oo ay ka mid yihiin dalxiiska waxbarasho, dalxiiska ganacsiga, dalxiiska madadaalada, iyo dalxiiska caafimaadka. Wuxuu xusay in marka loo eego qeexitaanka caalamiga ah, in qof kasta oo ka maqnaada goobta uu sida joogtada ah u deggan yahay muddo ka badan 24 saacadood kana yar hal sano loo tixgeliyo dalxiise.
Kebede ayaa tilmaamay waayo-aragnimada guuleysatay ee dalal ay ka mid yihiin Hindiya iyo Thailand, kuwaas oo noqday goobo caalami ah oo dalxiiska caafimaadka ah loo aado, isagoo ku sifeeyay tusaalooyin ay Addis Ababa wax badan ka baran karto. Waxa uu intaas ku daray in caasimadda Itoobiya ay durbaba ka muuqato koboc ku yimid dalxiiska noocan ah, iyadoo dad badan oo ka kala imanaya gobollada dalka ay u safraan Addis Ababa si ay u helaan adeegyo caafimaad.





