Muqdisho (Dawan)- Muddo ka badan labaatan sano, Soomaaliya waxay ku jirtay marxalad ku-meel-gaar ah oo dhinaca doorashooyinka ah. Nidaamka doorashada dadban waxaa loo aqbalay inuu yahay xal ku-meel-gaar ah oo looga gudbayo burburkii dowladeed, colaadaha, iyo tabar-darrida hay’adaha dowladda. Balse ku-meel-gaarkii wuxuu u muuqdaa inuu isu beddelay nidaam joogto ah.
Maanta, doodda ugu weyn ee taagan ma aha in Soomaaliya u baahan tahay dimuqraadiyad iyo in kale. Dooddu waxay tahay in shacabka Soomaaliyeed loo oggolaanayo inay xaqooda dastuuriga ah ku doortaan hoggaankooda cod toos ah, mise mar kale dib ayaa loo dhigaya?
Mar kasta oo la gaaro xilli doorasho, waxaa soo noqnoqda dood isku mid ah. Waxaa la sheegaa in amnigu uusan ku filnayn, dastuurku uusan dhammaystirnayn, dowlad-goboleedyada iyo Dowladda Federaalka aysan heshiis ahayn, guddiga doorashaduna uusan weli helin kalsooni buuxda.
Shaki kuma jiro in dhammaan arrimahaasi ay yihiin caqabado dhab ah. Qofna ma diidi karo in doorasho xor iyo xalaal ahi ay u baahan tahay amni, sharci, iyo hay’ado madax-bannaan. Laakiin waxaa jira su’aal ka mudan dhammaan doodaha kale.
Haddii labaatan sano aysan Soomaaliya ku filnayn inay isu diyaariso doorasho qof iyo cod ah, maxaa dammaanad qaadaya in afar ama shan sano oo kale ay wax ka beddeli doonaan xaaladda?
Ma taariikhdu sidaas ayay ina bartay?
Doorasho kasta kadib waxaa naloo sheegay in wareegga xiga lagu qaban doono doorasho qof iyo cod ah. Balse ballanqaadkaasi mar kasta dib ayuu u dhacay. Sidaas darteed, waxaa jira cabsi sii kordheysa oo ah in ku-meel-gaarnimadu ay noqotay siyaasad joogto ah halkii ay ka ahaan lahayd marxalad laga gudbo.
Dadka ka soo horjeeda doorashada qof iyo cod ma wada diidana dimuqraadiyadda. Intooda badan waxay qabaan walaac ku saabsan waqtiga iyo diyaar-garowga. Waxay ka baqayaan in doorasho aan si wanaagsan loo diyaarin ay horseedi karto muran siyaasadeed, xasilooni-darro iyo kalsooni darro.
Walaacyadaasi waa kuwo mudan in la dhegeysto, laakiin ma aha kuwo aan xal lahayn.
Amniga waxaa lagu xoojin karaa qorshe qaran oo lagu sugayo goobaha codbixinta.
Diiwaangelinta codbixiyeyaasha waxaa lagu dhisi karaa nidaam casri ah oo lagu kalsoonaan karo.