Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan fahamsan in ku guuleysiga xilka uusan la mid ahayn maamulidda dalka. Doorashadu waa bilowga oo keliya, halka imtixaanka dhabta ah ee hoggaamiyuhu yahay inuu dhiso dowlad keenta amni la dareemo oo aan la sheegsheegin oo kaliya , caddaalad loo siman yahay, fursado dhaqaale oo loo dhan yahay, iyo adeegyo dadweyne oo shaqeeya sida caafimaad, waxbarasho, biyo, koronto iyo nadaafad.
Sharciyadda hoggaanku waxay ka timaaddaa waxqabad, ee kama timaaddo oo kaliya awoodda lagu gaaray kursiga iyo awood ciidan. Isbahaysiyada qabiilka iyo taageerada siyaasadeed waxay fududeyn karaan helitaanka xilka, laakiin ma dhisi karaan kalsooni waarta. Shacabka waxay hoggaamiyeyaashooda ku qiimeeyaan natiijooyinka ay ka arkaan amniga, caddaaladda, adeegyo tayo leh, iyo horumar dhaqaale. Sideedana waxqabad dhab ah ayaa ka xoog badan hadallo siyaasadeed iyo ballanqaadyo doorasho oo kursiga ku keena hogaamiyow.
Soomaaliya waxay u baahan tahay dhismaha hay’ado qaran oo xooggan, halkii laga dhisi lahaa xukun ku tiirsan shakhsiyad gaar ah. Hay’aduhu waa inay sii shaqeeyaan marka hoggaamiye is beddelo. Tani waxay u baahan tahay garsoor madax-bannaan, shaqaale dowladeed oo karti iyo aqoon lagu soo xulay, ciidamada amniga oo ka madax bannaan siyaasad, guddi doorasho oo lagu kalsoon yahay, iyo nidaam maaliyadeed oo hufan. Marka hay’aduhu xoog yeeshaan, isbeddelka siyaasadeed wuxuu ku dhici karaa si nabad ah iyadoo aan dowladdu burburin.
Mid ka mid ah khataraha ugu waaweyn ee Soomaaliya waa marka shacabka ay dareemaan in dowladda, xilalka, iyo kheyraadka qaranku ay u adeegayaan koox gaar ah ama hal dhinac. Tani waxay kordhisaa kalsooni darrada iyo kala qaybsanaanta. Hoggaamiye qaran waa inuu noqdaa madaxweynaha dhammaan Soomaalida, isagoo mudnaanta siinaya qarannimada, muwaadinimo siman, iyo danta guud halkii uu ka raaci lahaa dano siyaasadeed ama kooxeed oo kooban.
Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay waxqabad ka badan hadallo iyo olole siyaasadeed. Dowladda iyo mucaaridkaba waa in lagu qiimeeyo natiijooyinka ay keenaan, ee aan lagu qiimeyn ballanqaadyo keliya. Hoggaamiyaha wanaagsan waa kan awoodaa inuu qorsheeyo oo u beddelo ficil muuqda oo shacabka taabanaya ballanqaadyadiisa.
Xaaladda siyaasadeed ee dalka waxay u baahan tahay wada-hadal, tanaasul, iyo heshiis qaran si loo dhammeystiro arrimaha taagan sida dastuurka, nidaamka doorashooyinka, xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, iyo qaybsiga kheyraadka. Madaxda dalka ee raba inay dalkaan xumaan ama kuwa hadda joogaa ha ogaadeen “Tanaasulku ma aha daciifnimo, waana Sharaf iyo karti marka aad ummaddaada u tanasushid” haddii uu ku dhisnaado Tanasulka daahfurnaan iyo ixtiraam, wuxuu xoojin karaa dowladnimada iyo midnimada dalka.
Soomaaliya sidoo kale waxay haysataa fursad ay ku casriyeyn karto dowladnimadeeda ama ku dumin karto maanta waaayo waxyaabaha ka socda geeska Afrika iyo Gobolka oo cabsi leh. Aqoonsiga dijitaalka ah, canshuuraha elektaroonigga ah, nidaamka wax iibsiga dowladda oo hufan, adeegyada online-ka ah, iyo diiwaangelinta dhulka waxay yareyn karaan musuqmaasuqa, kordhin karaan isla xisaabtanka, waxayna hagaajin karaan adeegyada shacabka. Tani waxay suurtagal noqon kartaa marka dano shaqsiyeed laga hormariyo danta guud dowladdana ay ka baxdo gacan hoorsiga.