Muqdisho (Dawan)- Muddo ka badan Soddon sano, deegaannada Sool, Sanaag iyo Ceyn waxa ay soo mareen marxalado ay hareeyeen hubanti la’aan siyaasadeed, amni iyo maamul. Bulshadu waxa ay si joogto ah u muujiyeen rabitaankooda ku aaddan in ay helaan maamul rasmi ah oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, hase yeeshee himiladaasi muddo dheer ma aysan rumoobin.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uu qaatay aragti siyaasadeed oo ku dhisnayd ilaalinta midnimada dalka, xaqiijinta rabitaanka shacabla iyo dhammaystirka hannaanka Federaalka, isaga oo rumaysnaa in bulshada deegaannada Sool, Sanaag iyo Ceyn, ay xaq u leeyihiin maamul mideeya, matalana danahooda, kana qeyb qaata dowlad-dhiska Soomaaliya.
𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐢𝐢 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐦𝐢𝐝𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐢 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚
In kasta oo ay jireen walaacyo amni, cadaadisyo siyaasadeed iyo isku-day lagu doonayay in la baajiyo safarka, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu 12-kii Abriil 2025 booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Laasacanood, taasi oo noqotay safarkii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare Soomaaliyeed ku tago muddo ka badan afartan sano.
Booqashadaasi waxa ay ahayd bilowga geeddi-socod rasmi ah oo lagu hirgalinayey himiladii shacabka. Isaga oo kulammo la qaatay isimmada dhaqanka, culimada, dhallinyarada iyo qeybaha bulshada, waxa uuna si dhab ah uga dhageystay talooyinkooda iyo aragtidooda ku aaddan mustaqbalka maamulka.
Natiijadii wada-tashiyadaas waxa ay noqotay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilowdo geeddi-socod lagu dhamaystirayo dhismaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, waxa uu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, magacaabay guddiyadii farsamada ee hagayey dhismaha maamulka isaga oo hormuud u noqday jiheynta siyaasad ku dhisan is-afgarad iyo ka qeybgal bulsho.
Aragtida Ra’iisul Wasaaraha, kuma aysan ekaan dhismaha maamulka oo kaliya, waxa ay salka ku haysay mideynta bulshada deegaannada Sool, Sanaag iyo Ceyn, si ay u wada yeeshaan maamul mid ah oo leh hey’ado sharci ah, hoggaan rasmi ah oo maareeya dhammaan adeegga bulshada. Xukuumadda DanQaran waxa ay si joogto ah u garab istaagtay hirgalinta himiladaasi, iyada oo muddo bilooyin ah ay deegaannadaasi ku sugnaayeen qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda, waxaanna la dhamaystiray qaab-dhismeedka maamulka iyo hey’adihii muhiimka ahaa ee dowladnimada Waqooyi Bari Soomaaliya.
Intii uu socday geeddi-socodka dhismaha maamulka, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, waxa uu xoogga saaray garab istaagga guddiga isaga oo xukuumadda ku amray in la fududeeyo dhammaan waxyaabaha ay u baahan-yihiin guddiga dhismaha iyo dhamaystirka maamulka cusub. Waxa uu kulammo kula yeeshay xafiiskiisa isimmada deegaanka iyo hoggaanka siyaasadda si loo dardargeliyo qorshayaashii lagu heshiiyay. Taageeradaasi waxa ay xoojisay kalsoonida bulshada, waxa ayna dadajisay dhamaysirka maamulka iyo hey’adihiisa.
𝐃𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐠𝐞𝐞𝐝𝐝𝐢-𝐬𝐨𝐜𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝-𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐢