Soomaaliya (Dawan)- Ansixinta Qodobka 63 ee Dastuurka wax-ka-beddelka lagu sameeyey ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay calaamad u tahay marxalad cusub oo muhiim ah oo ku saabsan qeexidda Maqaamka dastuuriga ah ee Muqdisho iyo Gobolka Banaadir. Muddo dheer, su’aasha ku saabsan sida ay caasimaddu uga dhex muuqanayso nidaamka federaalka waxay ahayd mid ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan ee geeddi-socodka federaalaynta Soomaaliya.
Doodihii hore waxay soo jeediyeen saddex qaab: in Muqdisho loo beddelo Dowlad-Goboleed Federaalka, in ay noqoto magaalo ku jirta dowlad-goboleed kale, ama in loo aqoonsado magaalo federaal ah oo si toos ah uga amar qaadata dowladda dhexe. Si kastaba ha ahaatee, Qodobka 63 ee la ansixiyey ma dooran midkood qaababkaas si buuxda. Si taas ka duwan, wuxuu soo bandhigay qaab isku-dheellitiran oo cusub oo isku daraya maamulka dimuqraadiga ah ee maxalliga ah iyo kormeerka dowladda federaalka.
Qodobku wuxuu dhigaya in caasimaddu yeelato Golaha Caasimadda, laan fulineed iyo nidaam garsoor. Golaha Caasimadda waxaa si toos ah u soo dooran doona shacabka ku nool degmooyinka Banaadir. Tani waa isbeddel weyn oo ka duwan nidaamkii hore ee uu Duqa Muqdisho si toos ah u soo magacaabi jiray Madaxweynaha ama Dowladda Federaalka. Sida uu qodobku dhigayo, Duqa Caasimadda iyo ku-xigeennadiisa waxaa dooran doona Golaha Caasimadda, taas oo xoojinaysa isla-xisaabtanka siyaasadeed ee ka dhasha doorashada dadweynaha.
Qodobka 63 wuxuu sidoo kale keenayaa isbeddel kale oo muhiim ah: Gobolka Banaadir wuxuu yeelanayaa xubno matala Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka. Aqalka Sare caadi ahaan wuxuu matalaa dowlad-goboleedyada federaalka. Sidaas darteed, matalaaddan waxay sare u qaadaysaa kaalinta siyaasadeed ee Muqdisho ee go’aan-qaadashada heer federaal, inkastoo Muqdisho aan si rasmi ah loogu aqoonsan dowlad-goboleed.
Dhanka kale, Dastuurku wuxuu si cad u ilaalinayaa awoodaha dowladda federaalka ee ku saabsan caasimadda. Dowladda Federaalka ayaa mas’uul ka noqonaysa arrimaha amniga iyo siyaasadda ee caasimadda, taas oo muujinaysa muhiimadda dareenka midnimada qaran ee Muqdisho. Intaa waxaa dheer, dowladda federaalka waxay magacaabi doontaa mas’uul sare oo matala danaha federaalka ee caasimadda iyo gobolka Banaadir. Sidaas darteed, waxaa samaysmaya qaab maamul oo laba dhinac ah: hoggaan maxalli ah oo la soo doorto iyo wakiil federaal ah oo magacaaban oo dowladda dhexe matala.
Marka laga fiiriyo aragtida is Barbardhigga dastuuriga , nidaamkan cusub wuxuu la mid yahay qaabab ay dalal kale oo federaal ahi u maamulaan caasimadahooda.
Tusaale ahaan, Washington, D.C. ee Mareykanka waa degmo federaal ah oo si toos ah hoos timaadda United States Congress. Inkastoo ay leedahay duq magaalo iyo gole deegaan oo la soo doorto, awoodda ugu dambaysa waxay weli gacanta ugu jirtaa Kongareeska, mana laha matalaad buuxda oo Senate-ka ah.
Dhanka kale, Berlin ee Jarmalka waa magaalo-dowlad buuxda ah, oo ka mid ah dowlad-goboleedyada federaalka. Waxay leedahay baarlamaan u gaar ah, dowlad u gaar ah iyo awood amni oo buuxda.
Qaab kale ayaa laga arkaa Canberra ee Australia, oo ku taalla Australian Capital Territory. Halkaas waxaa ka jira gole sharci-dejineed iyo xukuumad deegaan, balse baarlamaanka federaalka ayaa weli leh awood uu ku faragelin karo sharciyadeeda.
Sidoo kale Abuja, caasimadda Nigeria, waxaa si toos ah u maamula dowladda federaalka iyadoo loo yaqaan Federal Capital Territory, inkastoo dadka ku nool ay leeyihiin matalaad baarlamaan.
Marka la eego tusaalooyinkan, Maqaamka Muqdisho waa mid arrimo ka mid ah laga soo qaatay dhammaan nidaamyada caasimadaha aan Kor ku soo sheegnay, laakiin si buuxda midna ugama eka. Muqdisho ma noqoneyso dowlad-goboleed sida Berlin, mana aha degmo federaal oo si buuxda dowladda dhexe u maamusho sida Washington ama Abuja balse waxay noqoneysaa hay’ad caasimadeed oo gaar ah oo leh maamul maxalli ah oo dimuqraadi ah, hase yeeshee leh kormeer federaal oo arrimo gaar ah ku saabsan.



