Hordhac
Marka aynu dib u raad raacno raadka taariikheed ee dadyowgii hore, waxaa lawada ogyahay in waqtiyadii hore “Primitive Age” ayna jirin xeerar iyo nidaam kala haga bulshooyinka, waxaa waagaasi caan ahaa wax la yiraahdo Xeerka duur-joogta ama kaynta (law of the jungle). xeerkaas wuxuu ahaa nidaam hore oo duug ah oo lagu maamuli jiray bulshooyinkii hore, halkaas oo Xeerarka lagu go`aamin jiray xoog iyo awood. Caddaaladduna badanaa waxay ahayd mid ku saleysan aragti shaqsiyeed oo ku xiran awoodda iyo rabitaanka kuwa talada haya. Madaama dadyowgu uu farcamayay isla markaasna ay sii xoogaysanayeen is dhexgalka bulshada, waxaa lagama maarmaan noqotay in si xeeladaysan looga talaabsado xeerka duurjoogta oo ay bulshooyinku is tuseen in xeerkani uusan ahayn mid dad iyo duunyo lagu dhaqi karo oo uusan sii jiri Karin muddo fog.
Soo ifbixidii xeerarka
Bulshooyinkii hore ee Mesopotamia waxay qaadeen dhabihii u horeeyay ee dhanka xadaaaradda, waxayna soo kordhiyeen oo ay horseed u noqdeen ilbaxnimo casri ah, waxay samaysteen xeerar iyo dowladnimo lagu maamulo laguna mideeyo deegaanada ay degaan. Xamuuraabi oo ahaa boqorkii Baabiliyiinta ayaa sanadkii (1792–1750 bce) qoray xeer ka kooban 282 Qodob, Inkasta oo xeerkiisu uusan ahayn kii ugu horreeyay, haddana wuxuu ahaa kii ugu casrisanaa isla markaasna si cad loo qeexay, wuxuuna saameyn ku yeeshay sharciyada iyo dhaqammada kale ee dadyowga dunida. Sidoo kale, Roomaaniyiintii hore waxay ahaayeen hormuudka dhabta ah ee soo ifbaxa sharciga. Waxay abuureen nidaam sharci oo aad u horumarsan oo ku dhisan caqli iyo nidaam. Roomaaniyiintu waxay soo saareen (Law of the Twelve Tables), sharcigaas wuxuu ahaa sharci
Qarnigii 20aad.
Kadib horumarkii laga gaaray curinta iyo ku dhaqanka xeerarka, isla markaasna xadaaradii ay fiday, aadanahuna uu ku talaabsaday hal abuuro casri ah, waxaa biladway in dib loo milicsado xeerkii duurjoogta. Bishii Luulyo-1914, waxaa laga talaabsaday xeerarkii iyo anshaxii wada noolaanshaha, waxaana dhacay mid kamid ah dhacdooyinkii ugu saamaynta xumaaa abdi kaas oo ay birta isu soofeeysteen quwadihii ku loolamayay xooga iyo awoodda Yurub iyo daafaha caalamka. Tirada guud ee khasaaraha milatari iyo rayid ee Dagaalkii 1aad ee Dunida waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 15 ilaa 22 milyan oo dhimasho ah, iyo ku dhowaad 21 milyan oo askar dhaawac ah, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah dagaalladii ugu dhimashada badnaa taariikhda aadanaha.
Intaas kadib waxaa mar kale qarxay Musiibo wayn oo aduunka marna uuna soo marin, waxaana mar kale la isu soofaystay mindiyaha, waxaana wacad lagu maray in la qasho shucuub iyo dadyow badan oo aan waxba galabsan. Dagaalkii labaad ee dunida “world war II” wuxuu ahaa dagaalkii ugu dhimashada badnaa taariikhda. Waxaa lagu qiyaasaa in guud ahaan 60 ilaa 75 milyan oo qof ay ku dhinteen, oo ay ku jiraan kuwa u dhintay sababo la xiriira macaluul, gaajo, iyo cudurro. Dhimashada si toos ah uga dhalatay dagaalka (oo ay ku jiraan askar iyo rayid) waxaa lagu qiyaasaa 50 ilaa 56 milyan, halka 19 ilaa 28 milyan oo kale ay u dhinteen cudurro iyo macaluul la xiriirta dagaalka.
Waxaa xusid mudan, inta musiibadii dagaalkii 2aad ee dunida uu socday Japan waxay la kulantay musiibo aan horay loo arag, kadib markii uu Maraykanku ku tuuray hubka wax gumaada ee Nukliyeerka magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki bishii Agoosto 1945. Hiroshima waxaa ku dhintay Qiyaastii 70,000–80,000, halka Nagasaki ay ku dhinteen 40,000 qof, halka tirada guud ee dhimashadu kor ugu kacday ilaa ku dhowaad 70,000 dhammaadkii 1945.
Dib u yagleeliddii xeerarka Iyo Heshiisyada Caalamiga ee Casriga ah
Markii Dagaalkii 2aad ee dunida uu dhamaaday sanadkii 1945, dalalku waxay la daal dhacayeen burbur iyo daal dagaal, duniduna waxay u oomanayd nabad lagu hilmaamo burburkii iyo uurkutaaladii ka dhashay dagaaladii 1aad iyo 2aad-ba. Intaas kadib, Wakiillo ka kala socday 50 dal ayaa isugu yimid shirkii Qaramada Midooway “United Nations Conference on International Organization” ee ka qabsoomay San Francisco, California, intii u dhaxaysay 25 April ilaa 26 Juun 1945. Labadii bilood ee xigay, waxay si wadajir ah u diyaariyeen, una saxiixeen Axdiga Qaramada Midoobay, kaasoo dhidibada u taagay urur cusub oo caalami ah lehna yididiilo nabadeed iyadoo rajo weyn laga qabay ka hortagga dagaalo kale oo dunida naafeeya.
Isla waqtigaas waxaa la bilaabay heshiisyo iyo mabaadi’ cusub oo qeexaya sida dalalku u dhaqmi karaan, lagana hortago dagaallo mustaqbalka, iyadoo la adkeeyay mamnuucidda adeegsiga xoogga “Use Of Force”, hadana waxaa la iska indho tiri karin in muddo kadib ay soo noolaadeen handadaad iyo hanjabaado ka dhan ah wadamada.
Dib u milicso, Maraykanka ayaa ku duulay Afkaanistaan 7-dii Oktoobar 2001, kadib weerarradii 11 September, iyadoo howlgalka “Operation Enduring Freedom” lagu beegsaday xukunkii Taliban ee markaas talinayay. Dagaalku wuxuu sababay burbur ballaaran, dhimasho kumannaan rayid iyo askar ah, iyo barakac malaayiin qof, isagoo noqday mid ka mid ah dagaalladii ugu dheeraa ee taariikhda Maraykanka.
Sidoo kale, Bishii Oktoobar 2002, Kongoreeska Maraykanka ayaa oggolaaday isticmaalka awood ciidan oo ka dhan ah Ciraaq. Waaberigii 20 Maarso 2003, howlgalka “Operation Iraqi Freedom” ayaa bilaabmay, Waxaa lagu qiyaasaa in 461,000 qof ay ku dhinteen Ciraaq sababo la xiriira dagaalka intii u dhaxaysay 2003 ilaa 2011, halka kharashka dagaalka ee ka baxayy Maraykanka lagu qiyaaso 3 tirilyan oo doolar.
7-dii Oktoobar 2023, Xamas ayaa weerar ku qaaday koonfur-galbeed ee Israel, taas oo ka dhalatay xadgudubka joogtada ah iyo dilalka ay israaiil u gaysanaysay Falastiiniyiinta, taas oo ayna ka marnayn barakacinta iyo dhicidda hantida Falastiiniyiinta, taasoo dhalisay bilowga dagaalka culus oo u dhexeya Israel iyo Hamas.
Duulaanka israiil ee Gaza ayaa loo arkaa mid kamid ah duulaanadii ugu bahalsanaa ee lagu qaado shucuub iyo Dowlad, wuxuuna dagaalkaas daaha ka rogay sida arxanka daran ee dowladuhu ujabiyeen xeerarka caalamiga ah. Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midooway ayaa cambaareeyay tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay dagaalka ka socda marinka Gaza, isagoo sheegay in falanqayntiisu muujisay in ku dhowaad 70% dadka la xaqiijiyay ee ku dhintay duulaanka israaiil ee Gaza lix-dii bilood ee ugu horaysay ay ahaayeen haween iyo carruur. Tani waxay cadaynaysaa in ay tahay mid ka baxsan anshaxa dagaalka oo loo fasiran karo isirtir “Genocide”.
Intii lagu jiray toddobaadkii ugu horreeyay ee dagaalka, waxaa la diiwaangeliyay 94 weerar oo lagu qaaday xarumaha daryeelka caafimaadka marinka Gaza, taasoo sababtay dhimashada 29 shaqaale caafimaad iyo dhaawaca 24 kale. Sidoo kale, 30-kii Nofeembar, Hay`adda Caafimaadka ee Aduunka “World Health Organization” ayaa diiwaangelisay 427 weerar oo lagu qaaday xarumaha caafimaadka ee West Bank iyo Gaza Strip, kuwaas oo sababay 566 dhimasho iyo 758 dhaawac. Intaas waxaa sii dheer, Dabayaaqadii Maarso 2024, Hay`adda Qaramada Midooway “United Nations” ayaa diiwaangelisay in ka badan 200 weerar oo Israel ay ku qaaday iskuullo ku yaalla marinka Gaza, iyadoo ugu yaraan 53 iskuul gebi ahaanba la burburiyay.
Bishii Luulyo 2024, dhammaan 19 jaamacadood ee ku yaalla Gaza Strip waxay la kulmeen burbur aad u daran, iyadoo 80% dhismayaasha jaamacadaha la burburiyay, 103 macallimiin iyo aqoonyahanno la dilay, iyo ku dhowaad 90,000 arday oo wax ka baranayay tacliinta sare aysan awoodin inay sii wataan waxbarashadooda.
Joe Biden, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak, Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz ayaa si wadajir ah u sheegay isbuucii koowaad ee dagaalka “Hoggaamiyeyaasha dalalkayagu waxay taageeri doonaan Israel dadaalladeeda ay isku difaaceyso, isla markaana ay ku ilaalinayso dadkeeda falalka noocaas ah ee argagaxa leh.
Iyada oo laga duulayo Xasuuqa loo gaystay shacabka Gaza, 21-kii Nofeembar 2024, kadib baaritaan ku saabsan dambiyada dagaal iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada “International Criminal Court (ICC)” ayaa soo saartay amar soo qabasho (arrest warrants) oo ka dhan ah laba sarkaal oo sare oo Israa’iil ah: Benjamin Netanyahu, ra’iisul wasaaraha Israa’iil, iyo Yoav Gallant, wasiirkii hore ee difaaca kuna eedeysan dambiyo dagaal.


