Muqdisho (Dawan)- Waxaan ka mid ahay jiilkii ku soo hana qaaday burburka iyo dowlad la’aanta. Muddo dheer. waxaan maqli jiray in Soomaaliya ay leedahay kheyraad dabiici ah oo badan, kuwaas oo ugu horreeyo shidaalka. Si kastaba ha ahaatee, aniga, jiilkeyga, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, weli nasiib uma yeelan inaan aragno Soomaaliya oo si dhab ah uga faa’iideysanaysa kheyraadkeeda.
Qof kasta oo Soomaali ah wuxuu jecel yahay in uu mar uun arko Soomaaliya oo aan ku noolayn wax laga soo tuugsado dunida inteeda kale, balse ku nool waxa ay iyadu leedahay oo ay ka faa’iidaysato.
Si kastaba, waxaa jira waddamo badan oo shidaal leh, haddana faqri ba’an ka jira. Dhaqaalaha dalka oo idilna wuxuu ku uruuraa gacanta koox yar, halka inta badan shacabka ay ku nool yihiin saboolnimo.
Tusaale ahaan, dalka Nigeria ka hor intaan si ballaaran loo soo saarin shidaalka, heerka faqrigu wuxuu ahaa qiyaastii 15%, balse qiimeynno dambe ayaa muujinaya inuu gaaray ku dhowaad 60%, taasi waxay muujinaysaa in shidaalku noqon karo nasiib iyo musiibo isla socda, haddii aan si sax ah loo maareyn.
Sidoo kale, dalka South Sudan markii uu bilaabay soo saarista shidaalka ka hor xorriyaddii uu ka qaatay Sudan, heerka faqriga wuxuu ahaa qiyaastii 50%. Sannadkii 2016-kii wuxuu gaaray in ka badan 80%, halka tan iyo 2023-kii uusan marna hoos uga dhicin 64%.
Waxaan ka mid ahaa dad badan oo aaminsanaa in soo saarista shidaalka Soomaaliya ay u baahan tahay go’aan geesinimo leh, kal-adayg iyo ku-dhac. Sidaas darteed, waxaan bogaadinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaatay doorkaasi geesinimada leh.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa horyaalla Madaxweyne Xasan laba imtixaan oo waaweyn:


