Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya waxay muddo dheer ku jirtay marxalad adag oo la xiriirta dib-u-dhiska dowladnimada, amniga, dimuqraadiyeynta iyo mideynta shacabka. Inkastoo horumarro la sameeyay, haddana waxaa weli muuqata caqabado waaweyn oo hortaagan in dalka uu gaaro dowladnimo xooggan oo ku dhisan kalsoonida shacabka iyo midnimada qaranka. Mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee maanta u baahan in si dhab ah looga doodo waa sida loo qiimeeyo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha doonaya inay talada dalka qabtaan.
Muddo badan siyaasadda Soomaaliya waxaa lagu saleeyay qabiil, dano gaaban iyo isbahaysiyo siyaasadeed oo aan ku dhisnayn aragti qaran. Waxaa yaraatay in shacabka si dhab ah u eegaan taariikhda siyaasiga, gaar ahaan dhinacyada la xiriira xuquuqda aadanaha, amniga dalka, dimuqraadiyeynta, ilaalinta midnimada qaranka iyo heerka uu uga madax-bannaan yahay faragelinta dibadeed.
Dal kasta oo doonaya dimuqraadiyad dhab ah wuxuu u baahan yahay bulsho si miyir leh u qiimeysa hoggaamiyeyaasha. Su’aasha muhiimka ahi ma aha oo keliya “yaa talada qabanaya?”, balse waa “qofkani muxuu kasoo qabtay difaaca shacabka, qaranimada, amniga iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed?”
Waxaa muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed ay is weydiiyaan:
- Siyaasigan ma leeyahay taariikh dhowrista xuquuqda muwaadiniinta?
- Muxuu kasoo qabtay amniga dalka iyo la dagaallanka kooxaha amni darrada abuuraya?
- Ma taageeray dhismaha ciidan qaran iyo hay’ado amni oo shacabka u adeegaya?
- Muxuu kasoo qabtay dimuqraadiyeynta dalka iyo hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah?
- Ma difaacay xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo mucaaradka?
- Ma yahay qof mideeya shacabka mise kala qeybiya?
- Ma difaacaa madax-bannaanida Soomaaliya mise wuxuu ku tiirsan yahay dano dibadeed?
Su’aalahan waa kuwo muhiim u ah mustaqbalka dalka.
Amniga waa tiirka ugu weyn ee dowladnimo kasta. Siyaasi kasta oo doonaya hoggaanka dalka waa in lagu qiimeeyaa waxa uu ka qabtay:
- Sugidda amniga guud
- Dhismaha hay’adaha amniga
- Tayeynta ciidamada qalabka sida
- La dagaallanka argagixisada
- Ilaalinta shacabka iyo xuquuqdooda
Sidoo kale, dimuqraadiyaddu ma aha hadal siyaasadeed oo keliya. Waxaa muhiim ah in la qiimeeyo siyaasiga:
- Ma taageeraa doorasho qof iyo cod ah?
- Ma ixtiraamaa dastuurka iyo kala dambeynta sharci?
- Ma aqbalaa kala aragti duwanaanta siyaasadeed?
- Ma taageeraa awood-qeybsiga iyo dowladnimo loo dhan yahay?
Siyaasi ku hadla dimuqraadiyad balse aan aqbalin mucaarad ama xorriyadda hadalka ma noqon karo hoggaamiye dimuqraadi ah.
Soomaaliya waxay sidoo kale taariikh ahaan wajahday faragelin shisheeye oo saameyn ku yeelatay siyaasadda gudaha. Xiriirka caalamiga ahi waa muhiim, balse waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya iskaashi diblomaasiyadeed iyo siyaasiyiin si xad dhaaf ah ugu tiirsan dowlado shisheeye ama dano dibadeed.


