Daadadka tirada badan ee ka dhasha roobabku ma aha kaliya xaddiga biyaha roobabka ee batay, ee waa arrin la xiriirta taariikh ahaan qaabka loo dhisay waddooyinka caasimadda, kobaca tirada dadka iyo nidaamka socodka biyaha oo liita.
Ka hor 1991, inta aysan burburin dawladnimadii Soomaaliya, Muqdisho waxay lahayd waddooyin loo dhameystiray kaabayaasha aasaasiga ah balse mug ahaan xaddidan, lana dhisay intooda badan qarnigii 20 aad.
Dhismooyinkaas waxaa loogu tala galay dad lagu qiyaasay wax ka yar nus milyan qof, taas oo ah lix laabka tirada dadka maanta ku nool. Wax walba waxaa lagu saleeyay baahidii xilligaas.
Sanadkii 1991 ilaa 2010, gabi ahaan waxaa joogsaday shaqada horumarineed ee lagu dhisi lahaa kaabayaasha waddooyinka, maadaama ay meesha ka baxeen hey’adihii dawladeed.
Waddooyinkii horay u jiray waxaa baaba’iyay dagaalladii jabhadaha, kuwii sokeeye iyo kuwii argagixisada.
Sanadkii 2010 ilaa hadda, waa xilli ay Dawladda Hoose ee Muqdisho dib u bilowday dhismaha kaabayaasha waddooyinka, iyadoo la dhisay wax ku dhow 25km. Hase yeeshee, waxaa muuqata in habka waddooyinka caasimaddu uusan ahayn mid ka jawaabaya xaaladda xilligan ee magaalada, maadaama uu yahay qaab dhismeed duq ah oo loo Naqshadeeeyey magaaladii jirtay 70 sano ka hor.
SABABAHA UGU WAAWEYN
Su’aasha jirtaa; waa maxay sababaha asalka ah ee keena in caasimadda la daala dhacdo maamulka biyo mareennada iyo dhibaatooyinka ka dhasha? Shan qodob ayaa koobaya sababaha ugu waaweyn.
Marka hore, ku dhawaad 30 sano waxaa caasimadda ka jiray dagaallo kala duwan oo si xooggan u burburiyay nidaamka biyo mareennada iyo waddooyinka.
Waxaa sii raacday in dadweynuhu kaalin taban ku yeeshaan burburinta iyo ka yeelashada waddada qayb dhul ay ku intifaacaan, kana dhisteen dhismayaal sharci darro ah.
Marka labaad, 20kii sano ee ugu dambeeyay waxaa jirtay tiro koror dadeed oo xawli ku socda. Waxaa sabab u ah in caasimaddu amni ahaan xasishay, sidoo kalena ay muwaadiniin badan ka soo guureen gobollada sababo ay kamid yihiin colaado, abaaro, fursado waxbarasho oo hooseeya iyo kuwa shaqo. Kororkani waxa uu cadaadis xooggan saaray awoodda caasimadda gaar ahaan waddooyinka iyo guryaha, iyadoo gaadiidku ku batay magaalada.
Ma jirto xilligaani awood ay caasimaddu u leedahay in ay si deg deg ah uga jawaabto culayskan dhinaca dhaqaalaha, farsamada iyo sharciyada.
Marka saddexaad, maqnaanshaha qorshe magaalo ayaa ka mid ah sababaha ugu waaweyn. Doorkani mas’uuliyaddiisa waxaa leh dawladda labadeeda heer, balse waxaa xusid mudan in Dawladda Hoose ee Muqdisho diyaarisay Qorshaha Dib u Dhiska Biyo Mareennada (Mogadishu Drainage Master Plan), kaas oo fulintiisa qaadanayso ilaa 7 sano oo ku baxaya miisaaniyad lagu qiyaasay hal biliyan dollar. Xallinta dhibaatada biyo mareennada Muqdisho kuma imaan karto shaqo hal habeen ah, balse waxay u baahan tahay qorshe fog, khibrad, dajinta siyaasado, maalgelin xooggan iyo iskaashiga saamileyda.
Marka afaraad, isbeddelka cimiladu waa sabab kale oo saamayntiisu taban muuqato. Sanadihii la soo dhaafay caasimaddu waxay wajahaysay xilli roobeedyo leh biyo iyo daadad aan horay loo arag oo sababa khasaaro nafeed iyo hantiyadeed. Daadadku waa u sii xoogeysanayaan sabab la xiriirta in dhismayaasha cusub ee waddooyinka laamiga ah iyo kuwa xaafadaha (community roads) ay keenaan in biyuhu is aruursadaan oo ay sameeyaan xoog dheeri ah, taasoo sababta burburka.
Dhismooyinkaas intooda badan ma aha kuwo u dhisan in ay yarayn karaan khataraha isbeddelka cimilada (environmentally resilient). Waxaa arintaani dheeri ka sii ah oo sii badinaya dhibaatada dhagxaanta waawayn ee shubka ah iyo Jawaannada carraada ka buuxdo ee wadooyinka qaar lagu xeray sababo Dawladda ay ku sheegtay amni ilaalin.
Marka shanaad, maqnaanshaha dayactirka joogtada ah waxa uu sababayaa in Waddooyinka la dhisay ay tayo dhacaan, taasoo muddo dhow keeni karta in gabi ahaanba ay burburaan. Dawladda Hoose ee Muqdisho waxay sanadihii dambe muujisay dadaal ah in dib loo dhiso waddooyinka uu burburiyey roobabka daadka watay, taasoo ah talaabo la bogaadiyo, balse weli waxaa jirta baahi ah in la helo qoondayn joogto ah oo dayactir.
TALAABOOYINKA XALKA WAARA
Haddii la wada ogaaday taariikhda waddooyinka caasimadda, ku talagalkoodii hore iyo sababaha dhibaatada biyo mareennada, waxaa muhiim ah in la daraaseeyo talaabooyin dhameystiran oo leh halbeeg caalami ah si loo gaaro xal waara.


