Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya waxay wajahaysaa mid ka mid ah marxaladihii ugu khatarsanaa ee soo mara tan iyo burburkii dawladdii dhexe 1991-kii. Midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee dalka ayaa maanta halis ku jira. Tani ma aha dood siyaasadeed oo caadi ah ama loollan awoodeed oo soo noqnoqday; waa imtixaan qaran oo go’aaminaya mustaqbalka dalka, ee u baahan xakamayn, xikmad, iyo hoggaamin qaran, balse nasiib darro waxa muuqata hoggaan xumi, kala qaybsanaan, khilaaf siyaasadeed, iyo halis siyaasadeed oo ku soo wajahan sharciyadda dawladnimada.
Dunida oo ku jirta hubanti la’aan, nidaamkii caalamiga ahaa ee ku dhisnaa xeerarka oo daciifaya, iyo tartan degel-siyaasadeed oo gobolka ku soo xoogaysanaya, Soomaaliya ma awooddo hoggaan xumi, kala qaybsanaan iyo dawlad sharciyaddeeda lagu muransan yahay. Weerarrada argagixisada Al-Shabaab way sii xoogaysanayaan. Abaar, duruufo dhaqaale oo adag, iyo saboolnimo baahsan ayaa dadkeennu la daalaa dhacayaan. Haddana, siyaasayiinteenu waxay ku mashquulsan yihiin khilaaf gudaha ah, is'eedeeyn aan dhammaad lahayn iyo danaysi shakhsi ah. Wasiirro, xildhibaano, iyo hay’ado dawladeed ayaa khilaafkooda si toos ah ugu soo bandhigaya baraha bulshada, taas oo dunida u muujinaysa kaladdambayn la’aan, cadowgana u diraysa farriin tibaaxaysa nugayl iyo xilkasnimo darro.
Midnimadda qaran ma aha halkudhig; waa baahi istiraatiiji ah. Waxaan bogaadinaynaa saaxiibbada gobolka iyo caalamka ee mar kale xaqiijiyay midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Taageeradoodu waa muhiim. Laakiin, taageero dibadeed ma buuxin karto wax ay sababteedu tahay kala qaysanaanta gudaha iyo hoggaan aan karti iyo daacadnimo lahayn. Warsaxaafadeed dibadda laga soo saaro ma badbaadin karo dawlad luminaysa sharciyaddeeda iyo hoggaan luminaya awoddii akhlaaqeed .
Midnimo waa in la dhisaa, ma se aha in lagu dhawaaqo oo keli ah. Waxay u baahan tahay caddaalad muuqata, dib-u-heshiisiin dhab ah, awood iyo khayraad si caddaalad ah loo qaybsado, iyo hay’ado adeeg siinaya muwaaddiniinta gobol kasta, taas oo keenaysa in ay midnimo doortaan halkii ay ka doorran lahaayeen kala go’. Hoggaanka dawlada kama muuqdo ficil midnimo oo ilaalinaya karaamada muwaaddinka, caddaalad loo siman yahay, ilaalin sarraynta sharciga, la dagalaanka musuqmaasuqa, eexda iyo kutakrifalka awooda, kamana shaqeeyo siyaasad loo dhan yahay, oo aan qof iyo qolo gaar ah u afduubnayn.
Tabashooyinka Somaliland waxay salka ku hayaan taariikh xanuun badan oo tacadi, awoodsheegad, faquuq reebay tiiraanyo xusuus wadareed iyo dhaawac bulsho, waana xaqiiqo aan la dafiri karin. Lamana inkiri karo xasilloonida iyo maamulka deegaanka Soomaaliland ka dhismay, iyada oo aan la wiiqayn dooddii midnimada ee guud.
Arrintani waxay sida oo kale u baahan tahay masuuliyad akhlaaqeed oo ku wajahan Somaliland. Aqoonsiga xaqiiqooyinkaas macnaheedu ma aha aqbalidda gooni-isu-taagga; waase xisaabtan taariikheed oo daacad laga yahay. Midnimada diiddan in ay wajahdo dulmiyadii hore ma dalban karto kalsooni bulsho oo mustaqbal wadajir ah lagu dhisayo. Midnimo lagu ilaalinayo aamusinta dooddu ma aha mid caddaalad ah mana sii jirto.
Doorka dibadda waa inuu noqdaa mid fududeeya, ee aan adkeyn khilaafaadka. Wadahadalka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland waa in uu noqdo mid ay leeyihiin Soomaalidu.
Si darteed aqoonsiga halka-dhinac ah ee Israa'iil ee Somaliland wuxuu arrinta ka leexiyay sharciyad, wuxuuna u wareejiyay loollan juqraafi-siyaasadeed oo ku dhex milmay loollanka gobolka, isaga oo wiiqaya mabaadi’da Afrika ee xuduudaha. Tallaabooyinkan noocan ahi waxay caalamiyeeyaan arrin ay tahay in lagu xalliyo wadahadal, waxay fogeeyaan, islamarkaana adkeeyaan mawqifyada halkii ay ka fududeyn lahaayeen is'afgarad. Diidmada aqoonsi noocaas ahi macnaheedu ma aha in la diiday dhibaatooyinkii hore loogu geystay dadka reer Soomaaliland, waa se adkaynta in mustaqbalka Soomaaliya ay go'aan ka gaaraan Soomaalida dhexdeeda.
Hase yeeshee, halista kale ee haatan taagan waa fashilka hoggaamineed ee Madaxweyne Xasan Sheekh. Intii uu xilka hayey waxaa halis galay midnimada dalka, maamulkiisa waxa uu khilaaf kala dhexeeyaa Puntland iyo Jubaland, xiriirka mucaaradkiisana ma hagaagsana, xitaa kala qaybsanaanta xukuumaddiisa waa bannaanyaal oo waa kuwaa baraha bulshada isku baacsanaya. Tani ma aha sawirka dawlad ka shaqaynaysa midnimo ummadeed. Waa muuqaal tilmaamaya burbur gudeed.
Halista kale ee foodda innagu soo haysa ayaa ah hubanti la’aanta siyaasadeed ee ka imanaysa muddo-xileedka hay’adaha federaalka ee dhammaanaya. Baarlamaanku waxa uu ku eg yahay 4 Abriil, 2026, madaxweynuhuna waa 15 May, 2026, iyada oo aan jirin heshiis ku saabsan qaabka doorasho ee lagu cusboonaysiinayo sharciyadda dawladda.
Haddii waqtiyadan la dhaafo iyada oo aan la gaarin heshiis la wada aqbali karo, Soomaaliya waxay geli doontaa dawlad sharciyadeeda la isku haysto, xukunkeedana lagu muransan yahay, xilli midnimo aad loogu baahan yahay. Tani ma aha arrin farsamo ee waa arrin jiritaan.
Taariikhdu waxa ay na baraysaa firaaqa siyaasadeed in mar walba laga faa'iidaysto. Soomaaliya cadowgeeda gudaha iyo dibaddu waxay sugayaan sida aan xaaladdan uga dabbaalanno.
Qaran waxaa lagu hoggaamiyaa sharciyad siyaasadeed iyo mid akhlaaqeed. Maanta, Madaxweynuhu midna ma hayo. Halkudhigyo waddaniyadeed ma buuxin karaan halkii sharciyadda siyaasadeed iyo tan akhlaaqeed ee hoggaamiyaha looga baahnaa. Keli ah dawlad leh sharciyad buuxda ayaa dalka midayn karta, si kalsooni leh ula xaajoon karta Somaliland, shacabka abaabuli karta, isla markaana kasban karta kalsoonida saaxiibbada gobolka iyo beesha caalamka. Madaxbannaani qaran laguma daafaci karo halkudhig, ee waxa lagu xajin karaa sharciyad siyaasadeed oo raalli la iska yahay.







