Muddo ka badan soddon sano, hoggaanka siyaasadeed ee Somaliland waxa ay dunida la hor taagnaayeen dood ku dhisan cabasho iyo taariikh xanuun badan: “Waa nala xasuuqay, dhiig baa naga daatay, markaas ayaannu go’nay.” Dooddan waxa lagu saleeyey u doodista xuquuqda aadanaha iyo diidmada dulmiga, si dunidu u aqbasho kala-go’a. Maanta se, dooddii waxay isu rogtay su’aal culus oo ka taagan runnimadii iyo ujeeddadii laga lahaa, kaddib markii ay Somaliland aqoonsi ka raadisay Israa’iil. Halkan waxaa kasoo baxaya isdiiddo aan la qarin karin: sidee bay cid ku doodeysa xasuuq iyo dulmi u raadsan kartaa garab iyo aqoonsi dowlad dunida maanta ugu astaysan gumaad iyo burbur joogto ah?
Siyaasiyiinta Somaliland ee indhaha la raacaya Israa’iil waxay galeen munaafaqad siyaasadeed oo fool-xun. Haddii xasuuqii 1988 loo adeegsaday daliil iyo cudurdaar lagu muujiyo dulmi dhacay, waxaa maanta muuqata in isla dadkaas ay diyaar u yihiin in ay si indho la’aan ah u taageeraan xasuuq kasii ballaaran oo lagu hayo Falastiin. Gaza waxa ay noqotay meel aan nolol ka sii jiri karin, dad aan tiradoodu yaraynna waxay ku naf waayeen duqeyn, barakicin iyo gaajo la qorsheeyey. Carruur, haween, waayeel, dhaqaatiir iyo bukaan jiif ayaa noqday bartilmaameed joogto ah. Haddaba, qof xasuuq sheeganaya, haddana gacan saaraya cid maanta gumaad lagu yaqaanno, waxa uu iska ridayaa maaskaradii uu dunida ku marin habaabin jiray.
Waxaa kasii daran waqtiga ay arrintani kusoo beegantay. Xiriir-doonka Israa’iil waxa uu imanayaa xilli caalamku si adag u la socdo dambiyada dagaal ee la tuhunsan yahay, lana hadal hayo baadhitaanno iyo dacwooyin maxkamadeed. Marka sawirkaas laga eego, ma aha arrin siyaasadeed oo “xeelad” loo bixiyey, ee waa ku degdegid fadeexad ah, iyo in la doorto dhinac si cad loogu eedeeyey ku tumashada sharciyada caalamiga ah iyo damiirka bani’aadamka. Qofkii ka cararay gumaad, ma noqon karo mid u sacaba tuma gumaad kale.
Haddii arrintu ku ekaan lahayd dano siyaasadeed, dhibtu way yaraan lahayd. Laakiin Somaliland waxa ay sidataa calan ay ku xardhantahay kalimadda Towxiidka “Laa Ilaaha Illallaah.” Taasi ma aha qurxin uun ee waa astaan muujinaysa caqiido, caddaalad, iyo garab istaag dulmanaha. Sidaas darteed, ma jiri karto meel ay ku kulmaan calan uu ku qoranyahay magaca Alle iyo calanka dowlad si joogto ah ugu xadgudubta masaajidda, ku tumata sharafta Muslimiinta, isla markaana dhibaatada ugu weyn ku haysa Falastiin. In calanka Towxiidka ku xardhanyahay loo adeegsado marin loogu siqayo Israa’iil, waa hoos u dhigid iyo meel-ka-dhac ka dhan ah diinta iyo dareenka Muslimiinta.






