Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya waxay mar kale dhex-istaagtay marxalad halis ah.
"Madaxdaan kursiga loogu bogin, waa iska beyrshaane;
Sharci madax-bannaan iyo gar baa la isku-baacshaaye."
Labadan beyd waxay ku jiraan sheekadii murtida badanyd ee uu Axmed Sheekh Jaamac ugu magacdaray "Federaalka Xoolaha Soomaaliyeed" oo ay xooluhu uga tashanayeen sidii ay aadanaha uga xoroobi lahaayeen oo ay dowlad u dhisan lahaayeen.
Dood dheer kadib, xooluhu waxay doorteen guddi cilmi-baaris ku sameeya xukunnada kala duwan ee dunida soo maray. Guddigaas waxaa madax u ahaa dibi la yiraa Margi-Yaaqle oo maansadii "Sahan iyo Warkiis" ku soo bandhigay wixii uu cilmi-baarista ku soo ogaaday.
Ciddii aan hore u arag ha dhageysato oo ha dhuuxdo. Haddii aad aqrisay buugga Orwell ee Animal Farm, Axmed Sheekh Jaamac wuxuu sameeyey iyaddoo ka xeeldheer oo maansooyin Soomaali ah.
Jaallayaal intaasi waa arar ee nuxurka aan u socdo waa kan; Soomaaliya waxay mar kale dhex-istaagtay marxalad halis ah.
Kacaankii 21-kii Oktoober 1969, wuxuu maroorsaday awooddii, wuxuu laalay dastuurkii, wuxuuna mamnuucay xisbiyadii siyaasadda. Qolyahan wuxuu u samaystay Hey'adda Nabad-Sugidda iyo Maxkamadda Badbaadada. Intii hunguriga xukunku hayey, waxay hub u doonteen Itoobiya, wiilal dirirana waxay u doonteen reerahooda.
Xukunka waxay ku dooneen xoog illeen askartii baa iyaguna xoog ku haystee. Hadde waxaa dhacay dagaalladii sokeeye ee lagu rogmaday.


