Muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya, hadda waxaa jaangooya jahwareeka damaca shisheeyuhu abuuray, halkii ay ahayd inuu ku saleysnaado dano-qaran oo la wada oggolyahay. Lakab-dhismeedka dowladeed ee Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada – oo markii hore loo qaabeeyay dheellitirka iyo madax bannaanida- waxa uu isku bedelay iin aan leenahay oo ay nagu biiqsadaan dowladaha deriska iyo isbaheysiyada danaha gurracan ka leh Soomaaliya. Waxii aan u dhisanay inay kala qeybsanaanteena xal u noqdaan ayaa albaabada u furay qorshayaasha shisheeyaha.
Madax bannaanida Soomaaliya muuqaal ahaan wali way u jirtaa, hase yeeshee ruux ahaan waa sakaraad sariir saaran. Laga billaabo Muqdisho, Hargeysa ilaa Garowe iyo Kismaayo qolo walba waxay la jaal noqotay dowlad shisheeye oo u sawirtay inay ka ilaalineyso dowladda Federaalka. Xiriirradaan waxay xiran yihiin shaarar iskaashi oo lagu sheego horumarin, ammaan iyo maalgashi. Isku tiirinta dusha shisheeyaha ayaa hoggaamiyeyaashaan dhaxalsiisay haye-raacnimo iyo isku halleyn joogto ah. Waana arrinka kala fogeeyay siyaasiyiinta Soomaalida, kana hor taagan in dalkoodu uu yeesho nidaam dowladeed oo mid ah.
Soomaaliya waxay masrax u noqotay loollanka dowladaha waaweyn. Imaaraatka oo adeegsanaya dekadaha Barbara, Kismaayo iyo Boosaaso iyo galaangalkooda dhaqaale iyo saameyntooda siyaasiyiinta, waxay kaalin ku leeyihiin naqshadeynta siyaasadda gudaha. Wadahadalka Alshabaab oo fure u noqon kara isbedelka ugu weyn ee Soomaaliya ka dhici kara waxaa kaliya ee loo daba fariistaa Qatar, taas oo ka dhigeysa dowlad kale oo saameyn ku leh Soomaaliya, waloow aysan qiran. Joogitaankooda Muqdisho oo ay maamulaan Dekedda iyo garoonka Diyaaradaha oo lagu daray ciidanka ay tababaraan iyo baritaarka dublamaasiyadeed ee dowladda Federaalka ah siiyaan, waxay ka dhigtay laacibka ugu weyn ee qaabeeya siyaasadda Soomaaliya. Soo dhoweysashada dowlad goboleedyada, Puntland, Koofur Galbeed, Jubaland iyo kor u heysashada karaka Somaliland, Ethiopia waxay ka dhigtay mid aan looga maarmin miis kasta oo arrinta Soomalaiya looga hadlaayo. In kasta oo Kenyaanku aysan gaarsiineyn heerarka afartii hore ee aan soo sheegnay haddana ma shar yara oo waxay Jubaland u adeegsadaan aag ay iskaga moosaan khattarta Alshabaab iyo albaab dhaqaale.
Dhinacyadaas oo la isku daray waxay Soomaaliya u badeleen garoon ay ku loollamaan, ku kala adkaadaan oo iskugu xoog sheegtaan, taas oo madaxda Soomaalida ku qasabta inay doorbidaan xulashada go’aamada “Seeta dheereysiga” oo niyaddoodu u sawirto inay xukunka ku sii heyn karaan. Natiijaduna waa cuuryaannimo; Nidaam siyaasadeed oo nuuxsanaayo laakiin aan jihana u dhaqaaqi karin. Khilaafaadka joogtada ah ee Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah kaliya ma aha mid ismaandhaaf dastuur ku saleysan ee waa mid ay riixayaan, hagayaan oo joogto u maaligeliyaan dowlado shisheeye oo ay ugu baxdo in halkeeda ku hayaan ciyaarta. Mar walba oo Soomaalidu isku dayaan yeelashada ajande Soomaaliyeed waa mar walba oo ay waayeen xulufo sababi kara burburka waxa hadda dhisan. Kala doorashada sii joogista xukunka iyo dhismaha mustaqbal Soomaalidu wada leedahay waa go’aan geesinimo u baahan oo aysan ku dhicin madax yoolkuuda yahay xaqiijinta dano shaqsi.









