Muqdisho (Dawan)- Marka laga hadlayo hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, waxaa inta badan la is barbar dhigaa saddex nidaam: Matalaadda Saamiga (Proportional Representation – PR), Nidaamka Horreeyaa Guuleysta (First-Past-the-Post (FPTP) iyo Liiska Xiran (Closed List). Mid kasta wuxuu leeyahay faa'iidooyin iyo caqabado, mana jiro nidaam si buuxda u qumman. Waxa ugu muhiimsan waa in la doorto nidaam ku habboon xaaladda Soomaaliya.
Tusaale:Ka soo qaad in baarlamaanku leeyahay 100 kursi, natiijada codadkuna noqoto: Xisbiga A 40%, Xisbiga B 35%, iyo Xisbiga C 25%.
A-Matalaadda Saamiga (Proportional Representation-PR).
Nidaamkan, kuraasta baarlamaanka waxaa loo qaybiyaa si waafaqsan boqolleyda codadka ay xisbiyadu heleen. Sidaas darteed, Xisbiga A wuxuu helayaa 40 kursi, Xisbiga B 35 kursi, halka Xisbiga C uu helayo 25 kursi, taasoo ka tarjumaysa saamiga codadka shacabka.
Habkani wuxuu xaqiijinayaa in cod kasta uu yeesho qiime, isla markaana xisbiyada yaryar iyo aragtida kala duwan ay helaan matalaad.
Faa’iidooyinka: Nidaamka Matalaadda Saamiga (PR) wuxuu xaqiijiyaa in kuraastu si dhow uga tarjumaan codadka la dhiibtay, wuxuuna siinayaa xisbiyada yaryar iyo kooxaha kala duwan fursad ay ku helaan matalaad. Sidoo kale, codadka shacabka badankoodu ma khasaarayaan.
Qasaaraha: Si kastaba ha ahaatee, nidaamkan badanaa ma keeno in hal xisbi uu helo aqlabiyad uu keligiis dowlad ku dhiso, taasoo keenta in la sameeyo dowlado isbahaysi ah. Go'aannada Waaweyn waxay mararka qaar u baahan karaan wadatashi dheer, haddii xisbi ka baxo isbahaysigana waxaa dhici karta in dowladdu dhacdo, taasoo horseedi karta in dowlad cusub la soodhiso ama doorasho kale la qabto.
B-Nidaamka Horreeyaa Guuleysta (First-Past-the-Post -FPTP)
Nidaamkan, dalka waxaa loo qaybiyaa degmooyin doorasho, waxaana kursiga ku guuleysta musharraxa ama xisbiga hela codadka ugu badan degmadaas, xitaa haddii uusan helin aqlabiyad buuxda. Tusaalahan, haddii uusan jirin sharci dhigaya in xisbi gaaro 45% ama 50%+1, waxaa suuragal ah in Xisbiga A oo helay 40% codadka dalka uu noqdo xisbiga dhisa dowladda.
Faa’iidooyinka: Nidaamka First-Past-the-Post (FPTP) wuxu uabuuraa xiriir toos ah oo u dhexeeya shacabka iyo xildhibaanka deegaanka, maadaama xildhibaanka si fudud loola xisaabtami karo codbixiyayaashii soo doortay. Sidoo kale, inta badan wuxuu soo saaraa dowlad leh aqlabiyad cad oo fududeysa go’aan qaadashada.
Qasaaraha: Si kastaba ha ahaatee, nidaamkan First-Past-the-Post (FPTP) wuxuu sababi karaa in codad badan ay khasaarayaan, isla markaana xisbi helay codad ka yar kala bar shacabka uu helo awoodda dowladda. Tusaalahan, haddii Xisbiga A 40% uu dowlad dhiso, codadkii Xisbiga B (35%) iyoXisbiga C (25%) oo isu geyntoodu tahay 60% waxay noqon karaan kuwo aan si ku filan uga muuqan baarlamaanka, taasoo keeni karta in kuraastu aysan si buuxda uga tarjumayn rabitaanka guud ee codbixiyayaasha.
C-Closed List (Liiska Xiran) Liiska Xiran waa nooc ka mid ah nidaamka Matalaadda Saamiga (Proportional Representation-PR).Codbixiyuhu wuxuu u codeeyaa xisbigaoo keliya, mana dooranayo musharrax gaar ah. Hoggaanka xisbiga ayaa go'aamiya kala horreynta musharraxiinta, waxaana kuraasta gala kuwa ugu sarreeya liiska.
Tusaale ahaan, waxaa dhacda in Cali uu helo codad ka badan Caasho, haddana hoggaanka xisbigu Caasho ka hormariyo liiska, oo ay sidaas kursiga ku hesho. Taasi waxay muujinaysaa in codka shacabka uusan saameyn ku yeelanayn cidda xisbiga gudihiisa kursiga qaadanaysa.
Faa’iidooyinka: Nidaamka Liiska Xiran (Closed List) waanidaam fudud oo sahlan in la maamulo, wuxuuna madaxda Xisbiga u fududeeyaa inay sidey rabaan ka yeelaan cidda soobaxday. Sidoo kale, wuxuu ka caawin karaa xisbiyada inay kordhiyaan matalaadda haweenka iyo kooxaha laga tirada badan yahay, maadaama la kala baddali karo.