London (Dawan ) – Kooxda Arsenal ayaa Talaadadii ku guuleysatay horyaalka Premier League markii ugu horreysay muddo 22 sano ah kadib markii Manchester City ay dhibco lumisay, kalankeedi 37-aad taas oo xaqiijisay hanashada horyaalka ee kooxda uu tababaro Mikel Arteta.
Arsenal ayaa Isniintii 1-0 kaga badisay Burnley kulan ka dhacay Emirates Stadium, iyadoo Bukayo Saka uu dhaliyay goolka guusha daqiiqaddii 63-aad kadib caawin uu ka helay Martin Ødegaard. Guushaas ayaa cadaadis saartay Manchester City kahor kulankeeda Bournemouth.
Manchester City ayaa barbaro la gashay Bournemouth kadib markii Eli Junior Kroupi uu Bournemouth u dhaliyay goolka furitaanka daqiiqaddii 39-aad, halka Erling Haaland uu City u barbareeyay waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta.
Natiijadaas ayaa xaqiijisay in Arsenal ay ku guuleysatay horyaalka iyadoo hal kulan uu uga harsan yahay xilli ciyaareedka.
Kooxda London ayaa ku guuleysatay horyaalka iyadoo urursatay 82 dhibcood, taas oo ka dhigtay inay ka baxsato kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Manchester City.
Tani waxay noqoneysaa horyaalkii ugu horreeyay ee Arsenal tan iyo xilli ciyaareedkii 2003-2004 markaas oo kooxda “Invincibles” ee uu hoggaaminayay Arsène Wenger ay ku guuleysatay horyaalka iyadoo aan laga badin wax kulan ah.


