Muqdisho (Dawan)- China waxay Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrikaan ah u furtay albaab ganacsi oo weyn: badeecadaha ka imanaya waxaa loo sameynayaa canshuur-dhaaf. Tani waa fursad aan yarayn. Waa suuq ka badan hal bilyan oo qof, waa dal si joogto ah u soo degsada cunto, sisin, kalluun, khudaar, xoolo iyo badeecooyin ceeriin ah. Laakiin nasiib-darro, fursaddan waxay mar kale bannaanka soo dhigtay cudurka ugu weyn ee haysta dhaqaalaha Soomaaliya: dowlad aan jid u furin wax-soo-saarkeeda.
Soomaaliya waxay leedahay wax soo saar tira badan caqabado kasta oo heysta: moos, sisin, kalluun, xoolo iyo kuwa kale oo badan. Laakiin dhibaatadu ma aha in dalka wax ka maqan yihiin; dhibaatadu waa in wixii dalka ka soo baxa lagu curyaamiyo gudaha ka hor inta aan dibadda loo dhoofin. Badeecaddii beerta ka soo baxday waxay martaa waddo burbursan, kharash gaadiid oo qaali ah, lacago jidka looga qaado, canshuuro is biirsaday, iyo nidaam aan ganacsadaha u fududeyn inuu si sharaf leh wax u dhoofiyo.
Dowladdu waxay ku faani kartaa in China canshuur dhaaf noo sameysay, laakiin faankaas wax qiimo ah ma yeelanayo haddii ganacsadaha Soomaaliyeed uu weli jidka ku bixinayo lacago aan dhammaad lahayn. Maxay taraysaa in China albaabka naga furto, haddii gudaha Soomaaliya albaab kasta lacag lagu furayo? Maxay taraysaa zero-tariff Beijing ka timid, haddii mooskii Afgooye ama Jannaale ka baxay uu dekedda ku gaarayo qiime ka sarreeya moos Latin America laga keenay?
Ganacsiga caalamiga ah qiiro kuma shaqeeyo. Macaamilka Khaliijka ama China jooga ma iibsanayo badeecad Soomaaliyeed sababtoo ah waan jecelnahay. Wuxuu iibsanayaa badeecad tayo leh, qiime macquul ah, waqtigeeda ku timaadda, packaging fiican leh, certificate haysata, lana tartami karta badeecadaha dalalka kale. Haddii badeecaddeenna waddada ku dhiig-baxdo, lagu daahiyo, laguna qaaliyeeyo, cidna sugi mayso, fursaddana qofna ma sugto waa loo siman yahay.
Sisintu waa tusaalaha ugu cad. Soomaaliya waxay soo saartaa sisin dunida loo iibgeeyo iyada oo ka mid ah wax soosaarka yar ee caalamka aan u iibgeyno, Xogta ganacsiga caalamiga ah sida: The World Integrated Trade Solution (WITS), waxay muujinaysaa in Soomaaliya weli leedahay raad dhoofin sisin ah, inkastoo caqabadaha gudaha ay culus yihiin. Sanadkii 2023, dalalka kale waxay Soomaaliya gaarsiisay qiyaastii 6,300 tan oo sisin ah, qiimaheeduna ka badnaa $11 milyan. Fursad fiican ayay ka heli kartaa China. Sanadkii 2024, China guud ahaan waxay dibadda ka soo iibsatay badeecooyin ka badan $2.5 trillion. Sisinta oo keliya waxay ku bixisay ku dhowaad $1.9 bilyan, iyadoo soo dejisay in ka badan 1.18 milyan tan. CIIE/Xinhua waxay isla sanadkaas sheegtay in Afrika suuqaas ay ku lahayd ku dhowaad 75% sisinta China soo dejiso.
Halkaas ayay dowladdu ku fashilantay. Waxaa la rabay in fursadda China ka hor lagu dhawaaqo qorshe qaran: waddooyinka wax-soo-saarka dekedaha ku xira, xal loo keeno canshuuraha ganacsatada wax-soo-saarka ay ka cabanayaan, hal-xafiis oo export-ka lagu fududeeyo la sameeyo, iyo ganacsatada dhoofisa loo sameeyo nidaam canshuureed dhiirrigelin ah. Taas beddelkeeda, waxaa la helaa khudbado, sawirro, iyo hadallo qurux badan oo aan beeraleyda waddada ku dhibban waxba u tarin.
Maamul Dowladeed oo sax ah ma daawado fursad iska socoto. Dowlad mas’uul ah beeraleyda kama sugto inay kaligood la dagaallamaan waddo burbursan, canshuur iyo suuq caalami ah. Wax-soo-saarka dalka wuxuu u baahan yahay difaac, fududeyn iyo nidaam.