Muqdisho (Dawan) – Haweenka Soomaaliyeed ayaa hanti iyo xarago ahaan u haysta dahab lagu qiyaasay 20 tan, kaas oo qiimihiisu ku dhow yahay $3 bilyan, sida uu sheegay Maamulaha MyBank, Cabdirisaaq Maxamed Axmed. Qiimaha dahabkan ayaa ka badan hantida guud ee dhammaan bangiyada Soomaaliya, oo sida xogta Bangiga Dhexe ee 2025 lagu sheegay ahayd $2.3 bilyan.
Tirada dahabka iyo qiimihiisa waxaa sheegay Cabdirisaaq Maxamed Axmed, oo marti ku ahaa Irmaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, isaga oo ka waramayay adeegga cusub ee MyBank ee loo bixiyay Isku-filan. Adeeggan ayaa haweenka u oggolaanaya inay dahabkooda rahmaan ka dhigtaan, si ay bangiga uga helaan maalgelin iyaga oo aan u baahnayn damiin ama dhul ay dammaanad ahaan u dhigtaan.
Haweenku Waa Kala Bar Bulshada, Balse Waxay Helaan 10% Maalgelinta
Haweenku waxay ku dhow yihiin kala bar bulshada Soomaaliyeed. Hase yeeshee, sida uu sheegay Cabdirisaaq, maalgelinta ay bangiyadu bixiyaan, haweenku waxay helaan qiyaastii 10% oo keliya, halka 90%-ka kale ay qaataan raggu.
Arrintani maaha in haweenku aysan ganacsi lahayn. Dumar badan ayaa ganacsato ah oo dhaqaale abuura. Waxaase ka sii yaab badan, sida uu Cabdirisaaq sheegay, in xogta bangiyadu muujinayso in haweenku yihiin dadka ugu wanaagsan ee dib u bixiya maalgelinta ay qaataan. “Dadka ugu bixinta fiican maalgelinta ay qaataan waa dumarka.” Haddaba, haddii haweenku yihiin dadka sida wanaagsan u bixiya maalgelinta ay qaataan, maxay u helaan 10% oo keliya?
Damiin iyo Rahan: Labada Caqabad ee Maalgelinta
MyBank ayaa baaritaan ku sameeyay sababta haweenku u helaan qayb yar oo ka mid ah maalgelinta bangiyada. Sida uu sheegay Cabdirisaaq, waxaa soo baxay laba shuruudood oo caadi ahaan bangiyadu ku xiraan maalgelinta: damiin iyo rahan.
Damiin: Haddii qofku doonayo maalgelin yar, waxaa laga yaabaa inuu u baahdo qof kale oo damiin ka noqda.
Rahan: Haddii qofku doonayo maalgelin weyn, waxaa caadi ahaan lagu xiraa dhul ama guri.
Soomaaliya, dhulka iyo guryaha badankood waxaa iska leh rag. Haweenka dhallinyarada ah ee hadda ganacsiga soo galaya, intooda badan ma haystaan dhul ama guri ay bangiga u rahmaan dhigtaan.
Cabdirisaaq wuxuu sheegay in dhibaatadu aysan ahayn rabitaan la’aan, isagoo xusay in haweenku ay doonayaan maalgelin, u baahan yihiin, isla markaana ay si wanaagsan u maareeyaan. “Gabdhuhu maalgelin way rabaan, way u baahan yihiin, wayna ku fiican yihiin.” ayuu yiri. Waxa ka maqan, sida uu sheegay, waa hanti ay bangigu dammaanad ahaan u aqbali karo.
Dahabka: Hantida Haweenku Gacantooda ku Hayaan
MyBank ayaa markaas isweydiiyay in haweenku leeyihiin hanti kale oo ay u adeegsan karaan dammaanad ahaan. Jawaabtu waxay noqotay dahab. Daraasadda bangiga ayaa qiyaastay in hal milyan oo haween ah ay mid kasta celcelis ahaan haysato 20 garaam oo dahab ah. Marka la isku daro, tiradu waxay noqonaysaa 20,000 kiiloogaraam, oo u dhiganta 20 tan.
“Dahabka gabdhaha ayaa ka badan hantida bangiyada oo dhan marka la isku geeyo,” ayuu yiri Cabdirisaaq. Farqiga ayaa ah in lacagta bangiyadu ay meel ku urursan tahay, halka dahabku ku kala firirsan yahay sanduuqyada guryaha, isaga oo aan si weyn uga qaybqaadanayn dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha dalka.
MyBank wuxuu doonaya inuu hal mar wax uga qabto laba arrimood: in haweenku helaan maalgelin ay ganacsigooda ku horumariyaan, iyo in hantida dahabka ah ee guryaha iska taal ay qayb ka noqoto dhaqaalaha dalka.
Mashiin lagu Hubiyo Tayada iyo Qiraatka Dahabka
Marka dahab loo isticmaalo rahan ahaan, su’aal kale ayaa soo baxaysa: sidee loo hubin karaa inuu dahabku dhab yahay, qiraatkiisuna yahay 21, 22 ama 24? Cabdirisaaq wuxuu xusay hababka dhaqameed ee meelaha qaar loo adeegsado hubinta dahabka, sida in la xoqo si loo arko waxa hoostiisa ku jira ama xitaa carrabka la mariyo. “Bangi ahaan risk-gaas ma qaadan karno,” ayuu yiri.
Sidaas darteed, bangigu wuxuu la tashaday khubaro, wuxuuna iibsaday qalab tijaabo oo qaali ah, kaas oo sida uu sheegay aan dalka hore uga jirin. Mashiinka ayaa lagu ogaan karaa: Miisaanka dahabka, oo lagu cabbiro garaam; Nadiifnimada dahabka iyo qiraatkiisa, sida 18K, 21K, 22K iyo 24K; Haddii ay dahabka ku jiraan bir ama macdan kale.
Dahab Kasta Waxaa Loo Sameynayaa Xirmo Leh Lambar Gaar ah