Milaan (Dawan) – Kooxda Inter Milan ayaa si rasmi ah ugu guuleysatay horyaalka Talyaaniga ee Serie A markii 21-aad taariikhdeeda, kadib markii ay 2-0 kaga adkaatay kooxda Parma kulanka 35-aad ee horyaalka.
Labada gool ee kulanka waxaa u kala dhaliyay Marcus Thuram oo shabaqa soo taabtay dhammaadka qeybta hore, iyo Henrikh Mkhitaryan oo dhaliyay goolka labaad daqiiqaddii 80-aad.
Guushan ayaa sare u qaadday dhibcaha Inter ay ku hogaamineyso horyaalka oo gaaaraya 82 dhibcood, iyadoo 12 dhibcood ka horeysa kooxda Napoli oo ku jirta kaalinta labaad, halka ay 13 dhibcood ka sarreyso kooxda ay xafiiltamaan ee AC Milan.
Inter waxay dib ugu soo ceshatay horyaalkii ay Napoli sida dirqiga ah uga guuleysatay sanadkii hore.


