Muqdisho (Dawan)— Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Arbacadii Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay dayacday xaaladda bini’aadannimo ee dalka, isaga oo sheegay in malaayiin qof ay wajahayaan gaajo, nafaqo-darro iyo barakac.
Khayre, oo soo xiganayay xog uu u tiiriyey hay’adaha Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in 4.8 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bini’aadannimo, halka qorshaha gurmadka ee ku kacaya $852 milyan laga helay 30.7% keliya lacagtii loo baahnaa.
Isaga oo tixraacaya warbixin uu sheegay inay bishii Agoosto daabacday Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP, Khayre ayaa sheegay in lix milyan oo qof ay wajahayaan gaajo iyo cunto-yari, halka ku dhowaad laba milyan oo carruur ah ay la tacaalayaan nafaqo-darro ba’an.
Khayre ayaa sidoo kale sheegay in 205 xarumood oo bixiya adeegyada caafimaadka iyo nafaqada carruurta la xiray, halka 618 xarumood oo kale ay halis ugu jiraan inay xirmaan haddii aysan helin taageero dhaqaale.