Qaahira (Dawan)- Nasiibka xulka Soomaaliya ayaa noqday in isku aadka isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika 2027 uu ku beego group ay ku jiraan dalal awood ku leh kubadda cagta ee qaaradda Afrika, kuwaas oo kala ah Côte d’Ivoire, Ghana iyo Gambia.
Soomaaliya ayaa gashay Group C kadib munaasabaddii isku aadka oo maanta ka dhacday magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyadoo ay goob-joog ahaayeen mas'uuliyiin ka socday Soomaaliya.
48 xul oo ku tartamaya is reeb-reebka ayaa loo qeybiyay 12 group, iyadoo labada xul ee kaalmaha koowaad iyo labaad ka gala ay u gudbi doonaan tartanka kama dambaysta ah ee koobka.
Xulka “Ocean Stars” ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay taariikhda gaaray heerkan, taas oo loo arko horumar weyn oo dhanka kubadda cagta ah, inkasta uu wajahayo saddex xul oo khibrad iyo awood sare leh oo horey ugu soo guuleystay ama uga soo muuqday heerarka muuqda ee qaaradda.
Côte d’Ivoire ayaa koobka qaaday saddex jeer, waxayna FIFA ku qiimeysay markii ugu dambeysay kaalinta 34-aad caalamka, halka ay qaaradda Afrika kaga jirto kaalinta lixaad.


