Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa cambaareysay dagaalka ka dhacay Beledxaawo, ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Jubbaland, iyagoo dowladda Federaalka ku eedeysay hurinta dagaalka ka dhacay saakay magaaladaas.
Madasha ayaa sheegtay in ay horay madaxweyna Xasan kala hadashay dagaalka gobolka Gedo, balse ay tahay wax laga xumaado in dowladda federaalka ay iyada hurineyso colaadaha gudaha halki xalka qayb ka qaadan lahayd.