London (Dawan)- Kooxda Manchester City ayaa ku guuleysatay koobkeedii labaad ee xilli-ciyaareedkan, kadib markii ay 1-0 kaga adkaatay Chelsea ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka FA Cup-ka oo lagu ciyaaray maanta oo Sabti ah garoonka Wembley.
Ciyaarta oo aan la samaynin fursado badan iyo weerarro xiriir ah, ayaa ugu dambeyn lagu kala baxay hal gool oo qurux badan oo uu dhaliyay Antoine Semenyo daqiiqaddii 72-aad.
Tababaraha City, Pep Guardiola, ayaa isbeddello ku sameeyay safkiisa hore, isaga oo keydka dhigay ciyaaryahanka Rayan Cherki, halka uu Cumar Marmoush si lama filaan ah loogu soo bilaabay ciyaarta.
Qeybtii hore ee ciyaarta, Chelsea ayaa u muuqatay kooxda guusha rabta, inkastoo Manchester City ay heshay fursado ay ka mid ahayd mid uu goolhayaha Chelsea Robert Sanchez ka badbaadiyay Erling Haaland, halka gool kale laga diiday City sababo la xiriiray offside.
Qeybti labaad iyo soo gelitaanka Cherki waxaa si degdeg ah isu beddelay qaab ciyaareedka City, iyadoo Chelsea ay sidoo kale dalbatay rigoore dhowr jeer, balse garsooruhu diiday.
Hase yeeshee, daqiiqaddii 72-aad ayaa Semenyo ciyaarta u sameey muuqaal kale, kadib markii uu dhaliyay gool qurux badan oo niyadda u dejiyay taageerayaasha City.


