Muqdisho, 12 December 2025 (Dawan)– Maqaayadda Mado, oo caan ku ah cuntada macamaanka ee Turkida lana aasaasay 1850-kii, ayaa markii ugu horreysay xarun rasmi ah ka furtay magaalada Muqdisho Jimcihii.
Mado oo ku leh in ka badan 300 xarumood gudaha Turkiga iyo ku dhowaad 100 xarumood oo ku kala baahsan in ka badan 25 dal, ayaa Soomaaliya u dooratay dalka labaad ee Afrika ee ay ka howlgasho, iyadoo Masar ay tahay dalka ay kaliya ee ay ku leedahay xarun qaaradda Afrika.
Shirkadda SADA LTD oo dalka wakiil kaga ah franchise-kan ayaa sheegtay inay muddo hal sano ah ku hawlanayd hirgelinta mashruuca. Madaxa SADA LTD ee Soomaaliya, Muxsin Cabdiraxmaan Xasan, ayaa sheegay in ujeeddadu tahay kor u qaadista martisoorka iyo dhiirrigelinta maalgashiga caalamiga ah.
“Waxaan suuragaliyeyno waa rabitaanka aan rabno inaan horumrinno martisoor dalka ayna imaan karaan maalgashadayaasha ajaanibta , lagusoo dhiirran karo brand-yo caalami ahna aan weaddanka keenno .si aan kaag qeyb qaadanno horumarka ballaaran ee waddanka kascoda” ayuu yiri Muxsin isagoo raaciyey “Annagoo wood u leh in aan maqaayad local ah furno , waxa intaas oo qarash ah loo galiyey was inaan horumarinno guud ahaan martisoorka dalka”







