Kismaayo, 6 October 2025 (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay gaaray caasimadda ku meelgaarka ah ee Jubaland halkaas oo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu ku soo dhaweeyay.
Labada dhinac inkastoo qoraaladooda baraha bulshada ay ka muuqatay in midna uusan wali ka laaban go’aankiisi hore hadana waxaa ka muuqatay in ay diyaar u yihiin wadahadal dhex mara. Maxay soo bandhigi karaan Axmed iyo Xasan?
ku soo laabashada Golaha Wadatashiga Qaran: dabcan madaxweynaha Soomaaliya waxa uu soo bandhigayaa in Axmed Madoobe uu ku soo laabto shirka wadatashiga qaranka, kana laabto doorashadii dhacday noverber 2024.
Aqbalaadda doorashadi: Madaxweynaha Jubaland waxa uu miiska soo saari doonaa in dowladda dhexe ay aqoonsato doorashadii uu mar kale madaxweynaha ku noqday, dalab ku culus dowladda dhexe oo ay ciyaarta siyaasadda ay mar kale dib ugu soo bilaabi karto, uma badna in Xasan uu tan aqbali doono.
Dalabyada labada ka dib maxaa lagu heshiin karaan?







