Muqdisho, 2-da Febraayo 2026 (Dawan)— Kooxda Mogadishu City Club (MCC) ayaa galabta ku guuleysatay Koobka Janaral Daa’uud 2026, kaddib kulan kama dambeys ah oo aad u xiiso badnaa oo ay la ciyaartay kooxda Horseed FC, kaas oo ka dhacay Garoonka Muqdisho Stadium.
Kulanka finalka, oo qabsoomay maanta, ayaa ahaa mid xamaasad iyo tartan xooggan leh. Horseed FC ayaa ciyaarta ku bilaabatay si firfircoon, waxayna si degdeg ah u dhalisay laba gool, iyadoo ku hormartay 2–0. Si kastaba ha ahaatee, MCC ayaa muujisay adkaysi, niyad-sami iyo isku-duubni, waxayna sameysay soo laabasho cajiib ah, iyagoo dhaliyay saddex gool oo xiriir ah, taas oo keentay in ciyaartu ku dhammaato 3–2, guushuna ay raacdo MCC.
Ciyaaryahanka Cabdiqaadir Enoow “Benteke” ayaa noqday halyeyga kulanka, isagoo dhaliyay laba ka mid ah saddexda gool ee MCC, isla markaana door weyn ka qaatay guusha taariikhiga ah ee kooxdiisa. Benteke ayaa sidoo kale loo gudoonsiiyay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Tartanka, kaddib bandhig heer sare ah oo uu sameeyay intii uu socday tartanku.
Tartanka Koobka Janaral Daa’uud ayaa MCC u bilowday 10-kii Janaayo 2026, kaddib markii ay 2–1 kaga adkaatay kooxda Raadsan Club. MCC ayaa sidoo kale ahayd kooxdii hanatay tartankan xilli-ciyaareedkii 2024–2025, ka hor inta aan xilli-ciyaareedkii ka horeeyay ay ka qaadin kooxda Dekedda.









